Dadweynaha Caasimadda Gobolka Sool, Laascaanood, ayaa saaka si weyn u taageeray hadalkii ku saabsanaa ‘Midaynta iyo Nabadaynta dadka Laascaanood” ee uu dhowaan soo jeediyey Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]. Dad kala duwan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay inay si weyn u soo dhoweynayaan hadalkaa daawada u ah kala fiqinta iyo kala fogeynta laga dhaxlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha weji ku macaashka ah ee had iyo goor saxaafadda la soo hor fadhiya hadalada xajiinta leh. DAAWASHO WACAN.