Dhamme Faarax Maxamuud Warsame oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, Xiddigle Cabdilaahi Faarax Maxamuud, iyo tiro aan la shaacin oo ka mid ahaa Ciidanka Asluubta Somaliland ee ka hawlgelayey Gobolka Sool, gaar ahaana degmada Laascaanood, ayaa la sheegay inay u talaabeen dhanka Maamul goboleedka Puntland. Saraakiisha iyo askartan oo ka soo muuqday warbaahinta Puntland, gaar ahaana Puntland TV, ayaa ku dooday inay Somaliland uga soo baxeen kadib markii ay u adkaysan waayeen wax ay ku tilmaameen tacadiyo oo Ciidamada Somaliland kula kacaan shacabka Laascaanood.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhanka Somaliland oo dhacdadan ku saabsan haseyeeshee ilo ku dhowdhow Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Sool ayaa tibaaxaya inay saraakiishani iyo askartan ka mid yihiin masuuliyiin baadhisi ku socotey, qaarkoodna u xidhnaayeen intii aanay fakan, kadib markii xabsiga magaalada Laascaanood ay qaab qorshaysan uga fakadeen maxaabiis ku dhow 10 qof oo u xidhnaa dembiyo kala duwan.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKA ASKARTA PUNTLAND U GASHAY: