DAAWO, SHAN CEEL OO BIYAHA LAASCAANOOD KA HELI JIRTAY AFAR KAMID AH AYAA DOWRAY

0
274

Xaalad Biya Yarood Oo Aad U Daran Ayaa ka Jirta  Gudaha Magaaladda laascaanood.  Ilaha Biyaha  Ay ka mesho  Magaaladdu Ayaa Gudhay Markii Xaalada Abaarta Ee Ka jirta Gobolka Sool Sii adkaatay. Guddiga Iskaashatada Booyad-leeyda Biyaha Durdurka ka keena Gudaha Laascaanood ayaa Sheegay In Xaaladda Biya la,aanta Ee Ka jirtaa ay marayso Meeshii Ugu Saraysay.

Maamulka Gobolka Sool Ayay Sheegeen inuusan Ka war-qabin Xaaladda adag Ee Soo Foodsaartay Waxayna Codsanayaan in laga Gacan siiyo Sidii Ceelasha Dowray Dib Loogu Qodi lahaan Waxayna Intaasi ku Dareen Hadii Xaaladu sidan kusii Socoto Laba Todobaad Gudahood in Magaaladu Biya Waayi Doonto.

Booyad-layda Biyaha ayaa Sheegay inay dhibaato ku qabaan Helista Biyaha Oo ay Miilo U Galaan biyaha siday u heli lahaayeen,  Saacado badana Ku Qaadato.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin