DAAWO – TURKIGA OO HUB TAYO LEH KU WAREEJIYEY FEDERAALKA, IMAARAADKA OO KHAYRE GUDOONSIIYEY CIIDAMO UU KU TABABARAY MUQDISHO

0
315

Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Somalia Qoryo casri ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horreysay qoryahan lagu tababari doono ciidamada Somalia ee ku jira xerada Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho.

Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis is-kaashi oo dhanka difaaca iyo tababarka ciidamada ah, waxaana hubkan uu qayb ka yahay qalabeynta ciidamada xoogga dalka Somalia.

Sidoo kale, Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiisaynayaan inay iibsadaan dalal ay ka mid tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga.

Dhanka kale, Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600-mitir, wuxuuna dhirirkiisu yahay 9-mm, Waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650-xabo.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay hub ugu deeqdo Dowladda Somalia tan iyo markii uu dib u xoogeystay xiriirka labada waddan dhammaadkii sannadkii 2011-kii oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaartii ugu xumayd abid.

Dhanka kale,  Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ay Tababartay, isla markaana qalabeysay Dawladda Imaaraadka Carabta, laguna wareejiyay maanta taliska guud ee ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan cirib-tirka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab.

“Ciidamadan waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo soo celiya sharaftii iyo kala dambeyntii Qaranka Soomaaliyeed. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan cirib-tirka Al-shabaab,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahad-celiyay Xukuumadda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadan.

Sidoo kale, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay muhiimadda koowaad siinayso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa,” ayuu mar kale yiri RW Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciiidanka xoogga dalka.

      

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin