DAAWO: Xulka Puntland oo ku guuleystay koobkii maamul goboleedyada dalka

0
185

Ciyaaryahanada Puntland-Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay koobkii maamul goboleedyada dalka , kadib markii rigoorayaal 5-3 uga badiyeen xulka Jubbaland ciyaartii kama dambeysta ahayd.

Ciyaartaasi ayaa ahayd mid xiiso badan, waxaana ka soo qeyb galay taageerayaal farabadan oo ka kala socday labada xul.

Daawashada ciyaarta ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiiro, xildhibaano, safiirka Turkiga xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed.

Waxa ay soo bandhigeen labada naadi ciyaar aad wanaagsan, kana muuqatay farsamo aad u wanaagsan, iyadoo sagaashankii daqiiqo iyo sodon daqiiqo oo dheeri ah ay ku dhammaatay bar-bar dhac 1-1.

Xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa goolka ku hormartay daqiiqadihii hore ee ciyaarta qeybta hore, hase ahaatee ciyaartoyda Puntland ayaa iska soo guday oo bar-bareeyay isla qeybtii hore.

Telefishinada Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa si toos ah looga daawanayay ciyaarta oo dadweynaha Soomaaliyeed ay si aad ah ugala socdeen

Waa markii ugu horeysay ee tartanka maamul goboleedyada dalka  la qabto, laguna marti geliyo gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxa uuna bilowday 15-kii bishan, waxaa ka soo qeyb galay ilaa lix naadi oo kala ahaa xulalka kubadda cagta ee maamul goboleedyada, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland, koox ka socotay gobolka Banaadir iyo ciyaartoy mataleysay gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin