DACWAD KA DHAN AH DP WORLD OO LA GUDBIYEY

0
5097

Waxgaradka beelaha Dega gobolka Bari ayaa si kulul uga soo horjeestay Heshiiska ay wada gaareen Maamulka Puntland iyo Shirkada P&O port ee laga leeyahay dalka Imaaraatka.

Maamulka Cabdiweli Gaas ayaa shirkadan laga leeyahay dalka Imaaraaka Carabta ku wareejiyay maamulka Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso, waxa uuna Gaas taa badalkeeda ka qaatay Shirkadan dhaqaalo badan.

Qoraal ay soo saareen kuna saxiixan yihiin Waxgaradka Beelaha dega Puntland ayey kaga soo horjeesteen Shirkadan lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Boosaaso, waxa ayna Dacwad u gudbiyeen Madaxda dalka ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre.

Cabashada Waxgaradka gobolka Bari ayaa kusoo aadeysa xili ku dhawaad mudo isbuuc ah ay xiran tahay Dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii shirkada lagu wareejiyay dekadaasi lacago dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada wax kasoo degsata Dekadda .

Sida laga warqabo. magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa shalay waxaa ka dhacay banaan baxyo rabshada wata ay dhigayeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Banaan baxa ayaa looga soo horjeeday sicir bararka ka jira magaalada Boosaaso iyo xirnaashaha Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso, waxa uuna banaan baxan ahaa mid rabshada watay.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa dhagxaan ku tuurayay xarumaha gancsi iyo gaadiidka magaalada dhax marayay, waxa ay sidoo kale dhagxaan ku xirayeen wadooyinka magaalada qaarkood.

Ciidamada booliiska magaalada Boosaaso ayaa rasaas ku furay dadkii banaan baxa dhigayay, waxaana rasaastaasi sababtay dhimashada hal qof waxa asidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Dibad baxayaasha ka careesan sicir bararka iyo xirnaashaha Dekadda Boosaaso ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay kamid ahaayeen dooni meeyno Shirkadda DP World iyo ereyo kale ay uga soo horjeedeen Shirkadan lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso.

Xaalad kacsaan ah ayaa wali laga dareemayaa magaalada Boosaaso, waxaana inta badan xidhmay goobaha ganacsi ee magalaadaasi, waxaana banaan baxani kusoo aadayaa xili Dekadda Boosaaso xidhantahay ku dhawaad toddobaad.

Xafiis

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin