DAQIIQADO KA HOR AYUU KA BAXAY, WAXAYSE NAFTA WEYDAARIYEEN 4 DHALINYARO AH OO GURIGA KU SUGNAYD

0
497

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar xogan oo xalay rag hubeysan ay ku galeen Guri ku yaala Degmada Wadajir oo uu daganaa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida Somaliya.

Weerarka oo ay geysteen Lix dhanlinayara ah oo Bistoolado ku hubeysan lana aamibnsanyahay iney ka tirsanyihiin Shabaab, ayaa waxey halkaasi ku dileen 4 Qof oo ay Ehel ahaayeen Sarkaalka weerarka ka badbaaday, Sarkaalka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in daqiqiado yar ka hor uu ka baxay Gurigiisa la weeraray oo ku yaala Xaafada Siliga Ameerikaanka Wadajir.

Raga Weerarka geystay ayuu ku sheegay iney da’dooda udhexeyso 15 Sano Jir ilaa 20 Jir, Kuwaasoo Rasaas la dhacay Dhalinyaro ku sugneyd Guriga xiliga weerarka dhacayay.

4ta Qof ee geeriyootay ayuu Sarkaalka NISA Sheegay in labo Kamid ah isla Goobta ay ku geeriyoodeen, Hal qofna uu ku dhintay Wadada intii loo soo waday Xarumaha Caafimaadka, Ruuxa 4aadna uu ku dhintay Gudaha Isbitaalkii lagu dabiibayay.

Bartilmaameedka Weerarka ayuu sheegay inuu isaga ahaa balse ay Rasaasta haleeshay Dhalinyaro ay ehel ahaayeen oo deegaan ahaan ka soo Jeeda Degmada Tiyeegloow.

Si Kastaba, Ciidamada Amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan soo qabashada Raga weerarka geystay oo Sarkaalka sheegay in la hayo Cadeymo lagu tix raaci karo.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin