DEGDEG, CEELKA HOLHOL IYO TALEEX: CIIDANKA SOMALILAND OO LA WAREEGEY GOOBO MUHIIM AH

0
740

Ilo xogogaal ah oo ku sugan degmadan Laascaanood ayaa galabta bartan laascaanood.com u xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka ee Somaliland si nabad ah kula wareegey degmada Holohol oo ka tirsan Gobolka Sool.  Ciidanka Somaliland ayaan wax iska caabin ah kala kulmin dhinacyada Puntland iyo Khaatumo oo hore ugu murmi jirey lahaanshaha degaanadaasi.

Warkan ayaa lagu sheegay in ciidanka qabsaday Holhol ay markiiba kormeereen goobta loo yaqaano ceelka Shidaalka ee Shirkadda Conoco.

Dhanka kale wararka ayaa tibaaxaya in Ciidamada Somaliland maanta u ruqaansadeen dhanka degmada Taleex iyagoo gelinkii dambe salka dhigtay duleedka magaaladaasi.

Wararka laga helayo gulufkaasi cusub ayaa tibaaxaya in Ciidanka taleex dul fadhiistay qorshohoodu yahay inay saldhig ka samaystaan xuduudda degmada Taleex la leedahay degmada Garowe, caasimadda Puntland.

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo yeedhay dhinacyada dhaqdhaqaaqani khuseeyo ee Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Waa tallaabadii koowaad ee Maamulka Somaliland ku qaado degaanada Bariga tan iyo intii la doortay Madaxtooyada cusub ee Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa xusid mudan in Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Mudane Axmed Karaash,  u dhashay degaanada ay hadda u guureen Ciidamada Somaliland.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin