DEGDEG, SOOL: CIIDAAMADA AMISOM EE ITOOBIYAANKA OO LA WAREEGEY AMNIGA GOBOLKA SOOL

0
414

Wararka maanta ka imanaya degaanada koofurta Gobolka Sool ayaa xaqiijinaya in ciidammo ka tirsan milateriga Dawladda Federaalka Itoobiya la wareegeen amniga goobihii lagu dagaalamay toddobaadkii hore.

Ciidamadan oo wata gaadiid kala duwan, hub culus iyo askar ayaa la sheegay inay soo gaadheen degmada Dharkayn Geenyo iyagoo hadda ku waajahan degmada Saaxdheer.

Ma cadda mudada ay ku sugnaan doonaan goobaha ay yimaadeen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Puntland, Somaliland, Khaatumo ama Dawladda Itoobiya haseyeeshee dadweynaha degaanka ayaa la filayaa inay u arki doonaan awood dhexdhexaad ah oo lagaga nasan karo cabsida ay ka qabaan inay Somaliland ka daacad ahayn nabadaynta degaamadooda.

Maamulka Somaliland oo ay hore ciidamo uga joogeen ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weerarkii dhimashada badani ka dhalatay ee goobahaas ka dhacay kadib markii uu Ciidankoodii ku dhex jirey labada beelood la baxay saacado ka hor xilligii uu bilaabmay weerarka labada beelood ee walaalaha ah.  Sidoo kale tirada ugu badan iyo xubnaha ugu firfircoon dableyda labada beelood ayaa ka mushahar qaata Ciiamada Somalland.

Qaybo ka mid ah waxgaradka degaanadaasi ayaa si weyn uga cadhooday wax ay ku tilmaameen kaalinta ay Somaliland ku leedahay soo noolaynta colaadaha beelaha SSC iyagoo Soomaalida, Dawladaha Jaarka ah iyo adduunweynahaba ka codsada in laga soo gaadho.

Dhanka kale, Madaxweyne Biixiga Somaliland ayaa dhowaan si cad ugaga dhawaaqay warbaahinta inaanu degaanadaasi u hayn qorshe ciidan oo amniga lagu sugo, waxaana loo malaynaayaa in tuhunka hurinta colaadda ee Somaliland iyo go’aanka Madaxweynaha Somaliland yihiin asbaabaha ugu muhiimsan ee dhaliyey in ciidamada AMISOM la wareegaan sugidda amniga Gobolka Sool.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin