DEGDEG, TALEEX OO LAGA DAYRIYEY DIIWAANGELINTII, HAWSHEEDII OO AAN ILAA HADDA BILAABMIN

0
622

Wararka shabakadda laascaanood.com ka soo gaadhaya degaanada Gobolkii Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magacaabay ee Xaysimo ayaa sheegaya in qalabkii diiwaangelinta ee loo raray degaanada Taleex aanay ilaa hadda hawlgal muuqda samaynin taasoo ku timi gadood kaga yimi dhanka dadweynaha.  Qalabka ayaa lagu  ururiyey goobo gaar ah oo ciidan ku wareegsanyahay iyadoo intooda badan aan loo samayn astaan lagu soo garto sababo amni awgeed.

Dadka goob joogga ah ayaa noo sheegay in dhawr jeer loo guntaday lana xalliyey khilaaf soo kala dhex galay hawlwadeenada qalabka ku shaqaynaya iyo dad lagu sheegay masuuliyiinta degaanka ee ‘damaanadda’ u ahaa qalabka iyo shaqaalaha. Murankaas ayaa u badnaa walaac ay hawlwadeenadu ka qabaan amaanka degaanka iyo dareenka ay ka qaateen xannibnaanta shaqada.  Waxaa intaasi dheer iyadoo masuuliyiintii degaankuna ka shakiyeen qalabka Taleex oo qaarkood shaqayn waayeen una arkeen shirqool ay ka dambeeyaan hawlwadeenadu.

Goobaha qaar ayaa dhawr qof oo u badan ciidamada mushahaarada ka qaata Jamhuuriyadda Somaliland ay iska diiwaangeliyeen, iyadoo ciidanka la faray inay direyska soo dhigtaan si aanu uga dhex muuqan sawirro loogu talo galay in borobagaande loogu sameeyo diiwaangelinta Xaysimo balse aan ilaa iyo hadda soo gaadhin saxaafadda.

Image result for taleex

Wixii war ka soo kordha kala soco bartan.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin