Dekadda magaalada Boosaaso ayaa maalintii afraad xidhan kadib markii ay ganacsatada wax kala soo degtaa diideen lacago dheeraad oo ay soo rogtay shirkad dhawaan la sameeyey oo loogu talagalay hubinta tayada badeecadaha kasoo dega dekadda.
Ganacsatada ayaa sharci daro ku tilmaamay lacagaha dheeriga ah ee lagu soo rogey waxayna diideen inay maciishadooda badeecadaha kala soo degaan dekadda, iyadoo uu banaanka hore ee dekadda taaganyahay dhamaan gaadiidkii dekadda u socdey.
Illaa hada wax wara kama soo saarin Dawladda Puntland arintan taagan.
Wararka kasoo baxaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Dawladda Puntland ay dadaal ugu jirto xalinta xidhnaashaha dekadda.
Dekadda Bosaaso waa isha dhaqaale ee Puntland, mar kasta oo ay arintani dhacdana waxay saamayn ku yeelataa dhaqaalaha guud ahaan ee degaanada Puntland.
Shirkadaha ganacsiga Soomaaliya ayaa dalka keena badeecado aan tayadooda la hubin oo qaarkood dhaceen, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed u geysta dhibaatooyin caafimaad daro.
Balse Puntland ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya ku dhaqaaqday inay sameyso shirkad ilaalisa tayada badeecadaha soo gala deegaanada Puntland.