DHALLINYARADA XILALKA KA HAYA XUKUUMADDA IYO KULMIYE OO KULAN CASUUMAD AH U SAMEEYEY PROF. SAMATAR

0
680

Hargeysa (Laascaanood)- Dhallinyarada xilalka ka haya xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa kulan casuumad sagootin ah la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka xisbiga ee diyaariyey barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo qorshayaasha mar labaad xisbal-xaakimku ku doonayo inuu talada waddanka hanto.
Kulankan oo uu sameeyey Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mr. Axmed Darajo, kana dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa xalay, waxa lagu gorfeeyey xaaladda dalka, siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo qorshayaasha hoggaamineed ee xisbiga KULMIYE ku duuli doono mustaqbalka, waxaanna si wayn looga hadlay barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo arrimaha wax-wadaqabsiga ku salaysan ee bulshada iyo horumarinta Qaranka Somaliland.
Masuuliyiin ka mid ah dhallinyarada ka qaybgalay kulanka oo ay ka mid yihiin; Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Axmed Darajo, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee heer Qaran Md. Cabdi Najax Siyaad Aw Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Md. Cumar Sayid, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame Jaamac, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kuwaas oo dhammaantood uga mahadceliyey Aqoonyahan Samatar dadaalka uu ugu jiro sidii xisbigu mar labaad u guulaysan lahaa, isla markaana waxay tilmaamo ka bixiyeen xisbiga KULMIYE, guulaha xukuumaddiisu gaadhay muddadii uu xilka hayey iyo xaaladda guud ee waddanka.
Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad ka jeediyey kulanka, ayaa ka mahadceliyey maamuuska loo sameeyey, isagoo dul istaagay in xisbiga KULMIYE dalka waxqabad muuqda ka hirgaliyey, isla markaana waxa uu tilmaan ka bixiyey ajandayaasha KULMIYE mustaqbalka dlaka ku hoggaamin doono.

15874777_355363261494066_5444935923399177047_o 15875255_355362654827460_868799009614331223_o 15875318_355362974827428_1508988925487318399_o 15875331_355362758160783_1682398120943610543_o 15875424_355362964827429_8518173122542464724_o 15895447_355363091494083_1280271025683758730_o 15896051_355362848160774_8902800572150039033_o 15896326_355362661494126_4828420598277455126_o 15936363_355362748160784_8367222835828177300_o 15936777_355362658160793_5669535401799376793_o 15936844_355362968160762_2627441924429041127_o 15940768_355362924827433_7115276636964019289_n 15941124_355362518160807_4114249291261627930_n 15972473_355363088160750_2718878182164948178_o 15972628_355362851494107_5769923931493128751_o 15974992_355362751494117_2039306300944018564_o 15975231_355363168160742_391782920604957235_o

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin