DHOOLATUSKA SOO DHOWEYNTA BAASHE CALI JAAMAC, DHABACASHADA WASIIRADII XUKUUMADDA BIIXI

0
340

Mudane Baashe Cali Jaamac oo muddo dheer xilal kala duwan oo wasiirnimo ah ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa maanta, degmada Laascaanood, si ballaadhan loogu soo banbaxay soo dhowentiisa.

Xamaasadda soo dhoweynta Mudane Baashe C. Jaamac oo ka mid ah mus dambeedka Xisbiga WADDANI ayaa si weyn u muujisay loolanka adag ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi kaga furan Gobolka Sool xilli si weyn loo saluugsanyahay saamaynta ay dadweynaha ku leeyihiin xubnaha degaanadaasi kaga jira xukuumaddiisu.

Gaadiid tiro badan iyo dadweyne isaga yimid dhammaan xaafadaha magaalada oo ay si weyn uga dhex muuqdaan haweenka oo ay horboodeyso Guurti Carfi ayaa qaab abaabulan u soo dhoweeyey iyagoo badidoodu ku labisan astaanta Xisbiga WADDANI.

Xubno ka tirsan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Gobolka Sool oo hadallo kooban ka soo jeediyey goobtii loogu dabaaldegayey Mudane Baashe ayaa iska daba maray dhibaatooyin miisaan leh oo gobolka ku habsadey, waxayna dhammaantood soo jeediyeen in loo baahanyahay in laga tashado.

Sidoo kale, hadal kooban oo uu Mudane Baashe goobta ka sheegay ayuu ku soo qaatay in lay waajib tahay in wada tashi la isugu yimaado.  “Kolley duruufaa is beddeley, dee in la tashado oo bal xaaladaha nabadgelyadeenana aynu dib ugu soo noqono.  Dibna aynu u tashano oo waxyaalaha la khalday oo ay eedeeda leedahay Xukuumadda [Biixi] maanta jirtaa, dee in laga tashadona way u baahantahay” ayuu tilmaamay Mudane Baashe.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin