DUGSIGII HOYGA LAASCAANOOD – HASS PETROLEUM: NIYAD WANAAGII CABDINAASIR MA KU NAAFOOBI DOONAA SIYAASADAHA MAAMULKA SHIRKADDA EE HARGEYSA

0
357

Waxaa isa soo taraya walaaca ka dhashay fashilaadda ku timid Dugsiga Hoyga Laascaanood oo ay muddo dheer ku taamayeen inay meelmarintiisa iska kaashadaan qurbajoogta iyo ganacsatada degaanka SSC.  Dugsigan oo hass-logohindisihiisa la bilaabay muddo ku dhow tobaneeyo sanadood ayaa ugu dambayntii waxaa kaga dhabayntiisa u soo guntaday Gudoomiyaha Shirkadda HASS PETROLEUM oo hore looga bartay mashaariic wax ku ool ah oo u badan dhanka adeega bulshada oo uu ugu deeqay degaanada Gobolka Sool. Waxaase wararka ka imanaya degmada Laascaanood si weyn uga dayrinayaa in la shirqoolay qorshihii niyad wanaagga ahaa ee uu ka lahaa Dugsiga Hoyga Laascaanood oo uu shakhsiyan isagu soo dhagax dhigay.

Gudoomiyaha Shirkadda HASS PETROLEUM, Mudane Cabdinaasir Cali Dheere, Sarkaal ka socdey Hay’adda Carehass-laascaanood-2 International, Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe M. Faarax, Wasiirkii Hawlaha Guud ee xilligaas Cabdirisaaq Khaliif iyo Maamulka Gobolka Sool iyo degmada Laascaanood oo aan u kala hadhin ayaa 27kii June, 2016 duleedka magaalada Laascaanood si xamaasad sare leh ugu qabtay xaflad lagu dhagax dhigayey bilawga dhismaha Dugsiga Hoyga ee Laascaanood.  Xafladdaasi waxaa udub dhexaad u ahaa, ballanqaadka dhismaha dugsigana dusha u ritey SHIRKADDA HASS PETROLEUM. Hase yeeshee iyadoo sannadguuradii labaad ee dhagax dhigga dugsigu inagu soo dhowdahay, ayaa muuqaalo shalay laga soo qaaday goobtii dugsiga loo dhagax dhigay waxay muujinayaan in ay haawanayso oo aanay jirin wax la tilmaamo hass-laascaanoodoo laga qabtay.  Sidoo kale, Xilligaasi ilaa maanta ma cadda kaalinta ay hay’adda Care International ka qaadanayso hawsha dhismaha dugsiga, mana jiro wax war ah oo rasmi ah oo ilaa hadda saxaafadda iyo dadweynaha loo soo bandhigay oo

Goobtii dhagaxa loo dhigay Dugsiga Hoyga oo haawanaysa
Goobtii dhagaxa loo dhigay Dugsiga Hoyga oo haawanaysa

muujinaya dhaqaalaha ay hay’addani ku kaabi lahayd mashruucan.  Haseyeeshee warar hoose ayaa bidhaaminaya hay’addan oo laga leeyahay dalka maraykanka kana mid ah kuwa ugu macangagsan marka laga hadlayo habka xisaabaadka inay faraheeda ka laabatay qandaraaskii lagu bixinayey dhismaha dugsiga kadib markii shaki weyni ka galay qaabka ay wax wadaan xubno ka tirsan Shirkadda HASS oo Hargeysa fadhigoodu yahay.

Dhanka kale, dad kala duwan oo kala jooga Laascaanood, Hargeysa iyo qurbaha una dhashay degaanada SSC ayaa isku raacsan dedaalkii Gudoomiyaha Shirkadda HASS, Mudane Cabdinaasir,  uu gelin jirey horumarinta arrimaha bulshada inay si weyn u wiiqeen ololayaasha u gaarka ah ee ay Maamulayaasha Shirkadda ee Somaliland ku

MUDANE CABDIRISAAQ CATAASH OO HADDA U SHARAXAN WASIIRKA BEESHA BAHARARSAME
MUDANE CABDIRISAAQ CATAASH 

beegsadaan hawlo kale oo salka ku haya dano siyaasadeed.  Waxaa dhammaan la dareensanyahay tan iyo intii uu Maamulaha noqday Wasiirkii hore ee muddada shanta bilood ah u hayey Madaxweyne Siilaanyo xilka Wasaaradda Isgaadhsiintu,  inay Shirkadda HASS u xuubsiibatay gole siyaasadeed, taasina keentay inay sahayato dardar gelintii Dhismaha Dugsiga Hoyga Laascaanood.

Hadda waxaa muuqata inay Shirkadda HASS iyo dadkii degaanka ee ay wax u qaban jirtey sii kala fogaanayaan, haseyeeshee waxaa dhanka kale soo kordhaya is dhexgalka Siyaasiyiinta iyo Hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland ee Shirkaddu ku kasbatay dhaqaalaha ay ku deeqday iyo dhaqdhaqaaqa ay  gelisey soo xero gelinta siyaasiyiinta iyo Isimada Gobolada SSC.

hassa-cataash-shahaado-iimaanMuddadii diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ka socotey Gobolada SSC waxay shirkaddu ku deeqday shidaal aad u fara badan oo degaanadaas lagaga hirgelinayey diiwaangelinta, taasi oo sababtay  Xafladdii xidhitaanka ee Diiwaangelinta, laguna qabtay Hargeysa, iyadoo uu goob joog ka yahay Madaxweynaha Siilaanyo, in Shirkadda HASS lagu maamuuso Shahaado Sharafta Koowaad ee qaranka oo ay bixisay Hay’adda Komishanka Doorashooyinka [Eeg Sawirka Cataash oo uu Shahaadadii maalgelinta Diiwaangelinta gudoonsiinayo Guddoomiyaha Komishanka Somaliland].

Dadka aqoonta u leh Gudoomiyaha Shirkadda HASS waxay ku qanacsanyihiin inuu kaga dhabayn doono ballanqaadkiisii, uuna si uun isaga leexin doono weji gabaxa ay masuulka ka yihiin kuwii uu ku aaminey inay u hawl galaan fulinta dhismaha Dugsiga Hoyga Laascaanood.

HALKAN HOOSE KA DAAWO XAFLADDII 27 jUNE, 2015 LOO QABTAY DHAGAX DHIGGA DUGSIHA HOYGA

Haddii aad dood ama ra’yi ka qabto Warkan, la soo xidhiidh:

Editor: [email protected] ama Tel: 00 063 3412778

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin