DUMARKA KA WEYN 40 SANO OO DHALA CARUUR BADAN

0
568

Dumarka da’dooda ka wayn tahay afartan ayaa dhala ilmo ka badan dumarka da’dooda ka hoosayso 20-ka markii ugu horaysay toddobaatan sano, sida ay sheegtay tirada rasmiga ee England iyo Wales. Xogta Xafiiska Tirikoobka Qaranka ayaa sheegaysa inay jireen 697,852 dhalmo 2015-kii.

Pregnant-in-40s-image
Markii ugu danbaysay ee dumarka afartanka ka wayn ay dhalaan ilmo badan waxay ahayd 1947-dii dagaalkii labaad ka dib. Tirada ayaa muujinaysa laba wax oo socda ee dadka dhalaya ilmaha iyo waqtiga ay dhalayaan ee dagan Egland iyo Wales.
Uurka ay qaadaan gabdhaha dhowr iyo toban jirka ayaa hoos u dhacayay waqti dheer, wuxuuna ka yaraaday kala bar tan iyo 1990-kii. Hadda da’da ugu badan ee ilmaha lagu dhalo ayaa ah 30, taasoo korortay tan iyo 1975-tii.
Horumarka laga gaaray daawaynta ilmo dhalida, dumar badan oo wax bartay, muhiimada shaqada ay leedahay iyo nolosha qaaliga ah ayaa kor u qaaday da’da ay dumarka ilmaha ku dhalaan.
Liz McLaren, oo ka tirsan xafiiska tirikoobka ee Office for National Statistics, ayaa sheegtay in “afartankii sano ee la soo dhaafay ay kordhaysay ilmaha ay dhalaan dumarka da’dooda ay tahay 35 iyo wixii ka koreeya.
“Dumarka da’dooda ay tahay 40 iyo wixii ka koreeya ayaa hadda dhala ilmaha ugu badan, markii la barbardhigo dumarka da’dooda ka yar tahay 20, tan iyo 1940-yadii.”
Sidoo kale tirada ayaa sheegaysa inay yaraatay ilmo dhalida dumarka da’dooda ay ka yar tahay 25, waxaana kordhay ilmo dhalida dumarka da’dooda ay tahay 30 iyo wixii ka koreeya.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin