Dur-Durka Biyaha Laascaanood Ayaa Gudhay Taasoo Saamayn aan Wanaag sanayn Ku Reebtay Dadka Beeralayda ah ee Deganaa Hareeraha Durdurka laascaanood, Iyo Ooda-Gooye

0
545

In Kabadan ilaa 100 Beeralay ah Oo ka waraabsan jiray Beerahooda Toga Dur-durka Oo Kuyaal Koonfurta Magaalada Laascaanood Ayaa Beeralaydii Halkaasi Deganayd Waxaa Soo Food Saartay Xaalad Adag Oo Abaartu Sababtay

80 kamid ah Beeralaydii Ayaa Ka Huleelay markii ay u waayeen Beerahoodii Biyo ay ku waraabiyaan markii ay Dow-reen
Ceelashii Kuyaal Dixda Dur-Durka laascaanood Kuwaas Oo Gebi ahaanba Gudhay
Cabdi Raxmaan Faarax Warsame Waa Beeralay Beer-wayn Ku lahaa oo
Gaadhaysay Lix Higter Wuxuuna  Sheegay inuu Mudo ku
Dhow Bil Iyo Badh Biya la,aani Jirtay uu ku Khasaaray Lacag Dhan 4 Kun Oo
Dollar,

ayna ka Qalaleen ilaa Sadex Kun 0o Geed Kuwaas Oo Isugu Jira Geed Midhoodyo Iyo Qudaar  Waxaana Geed Midhood Yada ka Qalalay kamid ahaa Liin Dhanaan,Saytuun Iyo Sidoo kale Qudaar Ay Kamid Yihiin Bas-baas Qaji. Yaanyo, Bar-baroobi, Basal,Bocor,Kaabash,Saladh  Iyo Baamiye,

Cabdi Raxmaan Faarax Warsame Wuxuu Sheegay in Dad Badan Oo Kamid ahaa Beeralayda Deegaanka Waqdari,Ooda-gooye Iyo Buq-sheenle ay ku biireen Dadka Barakacayaasha ah Ee Xooluhu Ka Dhamaadeen Deegaanada Lagu soo Xereeyay Sida Dhuxun,

Beerta waxaa iga Galay Kharash Waxay Leedahay  Beertu Shaqaale Siidh-kaa Nalaga Soo iibiyay Cagafta Ayaa Shidaal nagaga Baxay Matoorka Ceelka sidoo kale Waa Dukaan oo kale,

’’Markaan islahayn waxaad ka Helaysaa faa iido Ayaan ku Khasaarnay

Waxaana Sababay Abaarta Waxaa Gebi Ahaanba Aanu waynay Biyihii Beera lagu Waraabin lahaa Waxaan Dowray Ilihii Aanu Biyaha Ka Heli jirnay,

’’’Markii Hore Bishii waxaa laga yaabaa ilaa Afar Boqol Ilaa Shan Boqol
Oo Dollar  Faa,iido ah ayaa iga soo Geli Jirtay  Beerta Tusaale Ahaan Bishii Hada waxaan ku dabaro Mahayo Nolol Reerka Waxaana Ugu Wacan waa Biya La,aanta Ay Abaartu Keentay,

Nolosha Reerkayga Waxaan ku Dabaraa hada  Dayn maadaama aan ahaa Nin Beer-wayn leh oo la Yaqaano waxaan Helaa Dayn Dadka magaalada Degen Ayaan Kasoo Qaato

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin