DUUFAANTA LUBAN OO KU SOO BEEGAN SOMALIA

0
520

Bilawga toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in duufaanta [Tropical Cyclone] loo yaqaano LUBAN ku dhufan doonto Woqooyiga Bari ee Somalia kadib marka ay soo jiidho xeebaha koofureed ee dalalka Yemen iyo Cumaan [Hoos ka daawo warbixintii maanta oo Af-Ingiriisi ah].

Duufaantan ayaa lagu tilmaamay in xawliga dabaysheedu yahay 75 m/h kaasoo la sheegay inuu si weyn isu dhimi doono marka ay soo gaadho Xeebaha Yemen iyo Oman oo ah meelaha ay dabaysha iyo roobabka is wataa si weyn u ruxi doonaan.

Dhanka xeebaha Somalia waxaa la sheegay in dabaylo quwad-jabsan iyo roobab ay maashayn doonaan xeebaha Puntland, ayna ku fidi doonaan Somaliland.

Ma jirto cabsi xooggan oo laga qabo inay badaylahaasi ku waxyeelayn karaan berriga degaanada Somalia, haseyeeshee waxaa la isku raacsanyahay in loo baahanyahay in la muujiyo digtoonaan.   Waxaa ugu muhiimsan in maalmaha Sabtida ilaa inta duufaantani galbanayso kalluumaysatada xeebaha Somalia ee Puntland iyo Bariga Somaliland looga digo inay galaan badda, sidoo kalena lagula taliyo inay weelalka badda [saxiimadaha, huudhiyaasha iyo doonyaha] ku xidhaan goobo leexsan oo ay dabaylaha kaga gabban karaan.

Dufaanta xoogeeda ayaa la filayaa inay degaamada Puntland soo gaadho labada maalmood ee ugu horeeya toddobaadka soo socda, waxaana la saadaalinayaa in afaafka hore ee biyeheedu inay saydhsaydh ku gaadhi doonaan Jamhuuriyadda la jaarka ah Somalia ee Djibouti.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXINTA DUUFAANTA LUBAN:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin