Faallo:Awrboogays iyo Adhicadeeye Shirarkii Ceebtarayaal

0
196

Marka hore waxaan usheegayaa akhristayaasha qoraalkan Maxamuud Barri laba Boqol oo nin iyo afartii madmadoobaa ee hargeysa ka yimid maaha sidoo kale Mahamuud Garaad Cuqaashooda, Mutacalimiintooda, Siyaasiyiintooda iyo nin garboodkooda taladu ka godo Adhicadeeye maqaado iyo meel lamid ahi ee waxaa idiin yimi lafa ruugyadii ay Hargeysa ka soo urursadeen iyo xoogaa dadkii deegaanka adhicadeeye. Shirkuna Wuxuu ahaa shirk u salaysan kas gaaban iyo qado maalmeed, cuqdad sokeeye iyo iimaan la’aan waxaa soo abaabuley kooxo kala hororsanaya luflufka iyo hambada reer sheikh Isxaaq oo tartan ugu jira cidii gogosha gunimada  u dhigi lahayd hadhaagii jamhaddii SNM.

Waxaase adhaxda ku dhuftay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Guddiga Maxmaaud Garaad ee taladu ka godo oo ku cadeeyey waxa ay yihiin iyo waxa ay u tartamayaa. Garaadku goortii uu badheedhihiisa dhiibtey ayay maxishoodayaashii u wareegeen xaga kale oo iclaamiyeen mid Adhicadeeye ah kaas oo noqday kadar oo dibi dhal iyo mar labaad in Nugaal gunimada loo tartamo.

Gunaanadkii iyo hadalka guntiisii reer sheikh Isxaaqow ku hungowde haddaad islahaydeen afarta iimaan laawe baa dhulbahante idiin keeni, Haddaad islahaydeen jaranjarada ku fuula oo aqoonsi ka gara raadsada adduunka.

Midnimada Soomaaliya anigay iga go’daa anna diidey inaan dalka laba ka dhigo, Diidey inaan caruurtayda iyo caruurtooda dhaxal xun uga tago, diidey inaan gunimo qaato oo hadba kirishbooy iyo qaadwale Hargeysa laga soo direy durbaanka u tumo oo dawlad ugu yeedho, Diidey inaan aqbalo wax sax ahayn  oo jamhaddii SNM wadato, diidney inaanu soomaali duleyno.

Calooshooda u shaqaystayaashana waxaan leeyahay ku tusaale qaata kuwii idinka horeeyey ee kaba qaadka u ahaa halka ay ku dan beeyeen mid nool iyo mid dhintayba. Runtii waxaa weeye Hangool maalin geedi baa la tabaa markii reerka lugu ooto oo ladegana bawdka lagu tuuraa oo digada ,dambaska iyo boodhku ku fuulaa.

F Mirre

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin