FAHIIMA OO FAR WAAWEYN WAX UGU DHIGTAY NIN WASIIR KA AH SOMALILAND

0
1766

“Kaa yeeli mayno nin siyaasi ah oo ka soo jeeda gobolada SSC oo aanad gaadhi karin inaad TVga u soo fadhiisato” – Xildhibaan fahiima.

Mudane Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje oo ka tirsan Golaha degaanka Degmada Laascaanood ayaa si waayeelnimo leh ugu caqli celisey Wasiirka Biyaha ee Xukuumadda Somaliland oo qaab dad badani saluugeen uga fal celiyey siyaasiyiin ruug cadaa ah, kana soo jeeda Gobolada SSC, oo dhaliilay qaabka xukuumadda Somaliland u waajahdo maamulka degaanadooda.

Mudane Fahiima oo dadweyne badani aaminsan yihiin inay ka mid tahay xubnaha ugu sareeya dhanka aftahamada marka la eegayo hablaha siyaasadda ku jira ee Somaliland ayaa si farshaxan sare leh u soo bandhigtay martabadaha sare iyo miisaanka ay kaga mudan yihiin ExWasiiro Baashe Cali Jaamac iyo Cali Sandulle marka la gudub dhigo Wasiirka ka daba hadlay. HOOS KA DAAWO FAHIIMA IYO WARKEEDII.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin