GAAS OO KU DALXIISAYA GOOBO MUHIIM U AH DALKA TURKIGA

0
240

Ankara-(LAASCAANOOD)-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Bursa ee dalka Turkiga ee aynu walaalaha nahay ayaa waxaa uu masuuliyiinta wasaaradaha waxbarashada iyo shaqaalaha ee dalkaasi kulamo kula qaatay xarumaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyanaha ayaa kala hadlay masuuliyiintaasi sii xoojinta xiriirka dhinaca waxbarashada iyo tababarrada shaqaalaha ee maamulkaPuntland iyo dawladda Turkiga, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay dawladda Turkiga sidii ay usii kordhin lahayd deeqaha waxbarasho ee ay siiso dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray mac-hadka ugu weyn dalka Turkiga ee Farsamada gacanta iyo Farshaxanka ee lagu magcaabo BUSKEM, iyadoona Madaxweynuhu uu kala hadlay Masuuliyiinta Mac-hadkaasi qaabkii ay ardayda reer Puntland ee wax ka barata dalka Turkiga uga faa’iidaysan lahaayeen Mac-had kaasi.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa kormeeray goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi oo uu ka mid yahay Masjidka weyn ee lagu magacaabo EMIR Suldan, kaas oo ah goobaha laga heli karo taariikhaha facaweyn ee uu leeyahay dalkaasi Turkigu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Maayorka Magaalada BURSA mudane. Recep Altepe, waxaana kulankaasi casho sharafta ahaa diiradda lagu saaray sidii loo mataanayn lahaa magaalada Bursa iyo magaalooyinka waaweyn ee dhigeeda ah ee Puntland.

Xafiiska Wararka LAASCAANOOD.COM
Ankara-Turkiga

bursa_1bursa_2bursa_3bursa_4bursa_5bursa_6bursa_7bursa_8

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin