GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO CUSBITAALADA U KORDHIYEY MIISAANIYADDA, XISBIYADA SIYAASADDA OO QAYB AHAAN LAGA SOO JARAY

0
60

Sida ku cad go’aanka Miisaaniyadda 2020 ee Golaha Wakiiladu ansixiyey maanta, wuxuu Golaha Wakiiladu dhaqaale xooggan u kordhiyey Cusbitaalada dalka isagoo xoolahaas ka soo raray dhanka Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo hore bil walba u qaadan jirey midkiiba lacag ka badan US$21,000 bishiiba.  Lacagta laga gooyey xisbiyada guud ahaan ayaa dhan SlShs 3.5 Bilyan taasoo lagu sheegay Inay u dhiganto 53% lacagtii ay keligood ka talin jireen odayaasha madaxda u ah Xisbiyadaasi.

Go’aankan Golaha Wakiilada ayaa Isla markiiba soo dhoweyn mug leh kala kulmay shacabweynaha Somaliland intiisa badan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay fagaarayaasha lagu kulmo iyo baraha bulshada [Social Media] dood cusub oo muujinaysa inay dadweynuhu ka war haynin, islamarkaana ay ka yaabanyihiin, in lacagta xaddigaasi leh bil la siin jirey xisbiyadan oo ay u arkaan fadhiid aan dalka soo gelin wax aan khilaaf iyo fawdo ahayn.  Sidoo kalena, waxaa soo if baxaysa dood xoog leh oo ku saabsan sababta markii horeba xoolahaas baaxadda leh loo siinayey Xisbiyada aan dheefta muuqata dadweynaha soo gelin.

Lacagtan loo soo wareejiyey Caafimaadka, gaar ahaana Cusbitaalada, ayaa la filayaa inay kor u qaado adeegii caafimaad ee ay bulshada u qaban jireen goobaha caafimaad ee Dawladdu, iyadoo qayb muuqata ka dabooli doonta baahida aasaasiga ah ee cusbitaalada dalka oo hore ula il darnaa dhinaansho dhanka maalgelinta ah.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin