“GUDDIDA DOORASHOOYINKA, HORTA HALKEE AYEY KA SOO DHISMEEN? GUDDI DOORASHO UUN BAA LA YIDHI EE YAA SOO MAGACAABAY KUWAN MAANTA JOOGA?SULDAAN MAXAMED CABDIQAADIR

0
632

 

Hargeysa, (Laascaanood )-Suldaanka Beelaha Garxajis Suldaan MaxamedSuldaan Cabdiqaadir  , ayaa sharaxaad ka bixiyey astaamo u muuqda oo ay ku arkaan Guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxay walaac ka muujiyeen, kana digeen in gacmo hoose oo dareemayaan ay gacanta ku hayaan Guddida doorashooyinka ee qabanaaya doorashada madaxtooyada, taasoo keeni karta in cadaalad-daro dhacdo oo cidda xagga dambe ka hagaysa ay doonayso oo kaliya soo baxayso.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa calaamad su’aal galiyey ciddii ka dambaysay magacowga Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koomishanka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha wakiilada Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in shacabka reer Somaliland ogayn halka markii u horaysay laga soo dhisay koomishanka.“Guddida Doorashooyinka Somaliland, horta marka ugu horaysa halkee ayey ka soo dhismeen? Guddi doorasho oo un baa la yidhi ee yaa soo magacaabay ama soo xulay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddida koomishanka doorashooyinka, yaa soo dhisay, kuwan maanta jooga? Dadku waxa laga yabaa innaaney wada fahsanayn. Rag ayaa hoos u soo qortay, dabadeed inagu yidhi waa Guddidii doorashooyinka. Wax alaale iyo wax garanayaan ma jirto. Wax alaale iyo waxay wadaana dadka u sheegimayaan. Guddida doorashooyinku waxay joogeen muddo gaadhaysa sannad, markaa cid ay wax u sheegeen iyo qaabka wax loo dooranayo ee dastuuriga ah waa inay qodobo ka soo dhigaan ayey aheyd, laakiin wax kale ayey hoostaa ka wadaan oo sax maaha arrinkoodu.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u la hadlay Tv-ga Star.

Suldaanka oo iftiimiyey meelaha keentay in laga shakiyo oo u muuqdaan inay sababi karaan inay isku dilaan oo madaxa isu-galiyaan shacabka Somaliland, halisna ay dhici karto in Somaliland gasho wuxuu yidhi,“Haddii maalin qudha ay wax barnaamij ah laga sii dayn warbaahinta kala duwan, yaa garanaaya qaabka ay wax u wadaan. Maxay tahay Guddidan doorashooyinku annagu garan mayno waxay qarsanayaan. Waxaan ku baaqayaa oo aan soo jeedinayaa inaynu ka fiirsano Guddida doorashooyinka ee waxa iimuuqda in gacmo kale xagga dambe ka hagayaan oo cid kale hagayso oo arrin fool xun ka soo dheg weyn tahay.”

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin