GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO LAASCAANOOD KA FURAY SHIRKA NABADAYNTA BEELAHA KOOFURTA SOOL

0
323

Mudane Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta ka furay magaalada Laascaanood shir lagu daahfuray kulannada Guddiga Nabadaynta labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay Koofurta Gobolka Sool.

Xubno kala kala tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Sool ayaa hadallo abaabul iyo dardaaran isugu jira madashaasi uga jeediyey Guddiga iyo Beelaha, labadaba.  Sidoo kalena, laba xubnood oo ka kala tirsan labada beelood ee ayaa, iyagoo ku hadlaya magaca labada beelood, kalsoonida beelahooda gudoonsiiyey Guddiga Nabadaynta.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo goobta ka hadlay ayaa si gaar ah u tilmaamay inaan dagaalka soo noqnoqday ahayn wax ay ku tashadeen dadka degaanku balse ay hurinayaan shakhsiyaad wiilal yaryar iyo dad qurbajoog ah. “Dagaalku waa soo noqnoqday.  Cuqaasha iyo odayaasha nin maanta raba dagaal iyo dhibaato inay dhacdo ma jiro, laakiin waxaa u taliya wiil yar oo qori sita iyo niman banaanka jooga [Diaspora] oo laba-labada boqol soo diraya” ayuu sheegay Mudane Baashe.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isna hadal u badnaa duco iyo waano goobta ka jeediyey, “Waa idiin duceyneynaa.  Beelaha Cabdi Garaad iyo Maxamed Garaad waa u ducayeneynaa”. 

Sidoo kale, waxaa iyaguna erayo kooban ka soo jeediyey goobtaasi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, Wasiirada waxbarashada iyo Biyaha, Badhasaabka Gobolka Sool iyo xubno kale.

HOOS KA DAAWO WARKA SHIRKA LAASCAANOOD:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin