GUDOOMIYAHA RUGTA GANACASIGA JUBALAND OO XABSIGA XAMAR LOO TAXAABAY

0
169

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ciidamada ammaanka ayaa xidhay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

Shaafi Raabi oo la sheegay inuu ka yimid Magaalada Brussles ee dalka Belguim-ka ayaa la sheegay ciidamada inay ka qaadeen Passport Diblumaasi ah oo uu watay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada ammaanka ay u xidheen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna sidoo kale Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somaliya.

Xubno ka mid ah Rugta Ganacsiga Jubbaland oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay xadhigga masuulkaan.

Saraakiisha ammaanka Garoonka Aadan Cadde wali kama aysan hadlin xarigaan loo gaystay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin