GUDOOMIYE BAASHE: DHIGGIISA JABUUTI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY

0
202

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha wakiilada Somaliland luna ku saxeexanyahay Agaasimaha Warbaahinta Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Saleebaan Cabdisataar Dubad ayaa lagu sheegay kulan maanta Jabuuti ku dhexmaray Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo dhigiisa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.  Warsaxaafadeedkan ayaa sidan u dhignaa:

“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, mudane Baashe Mohamed Faarax, oo Maalmahanba safar shaqo ku joogay dalka aynu Jaarka nahay ee DJIBOUTI ayaa maanta, 16 Feb 2020, kulan la yeeshay Dhigiisa dalkaas iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiye Baashe oo uu weheliyo Xoghayaha Saddexaad ee Safaarada Somaliland ee Djibouti, mudane Khadar Bedel Siciid ayaa kulan muddo qaatay waxa uu la yeeshay Gudoomiyaha Barlamaanka Djibouti, Mudane Mohamed Ali houmed, oo ay weheliyan Gudoomiyaha gudi hoosaadka arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Djibouti xildhibaan Abdirahmaan Awaleh Yasiin iyo Xubin ka mida Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Djibouti xildhibaan Jibril.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen danaha labada dal iyo sidii ay isugu xidhmi lahaayeen labada Baarlamaan ee labada dal ee Somaliland iyo Djibouti lana xoojiyo xidhiidhkooda wallaalnimo iyo wax wada qabsi, isla markaana ay is waydaarsadaan Khibradaha iyo habmaamulka labada Baarlamaan taas oo ay labada Gudoomiye Baarlamaan isku afgarteen iskulana qaateen in hore loo sii wada wada shaqayntooda.”

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin