HALIS, CEERIGAABO: WEERAR CULUS OO XALAY LAGU QAADAY GOOBTII UU DEGEY TALIYE NUUX TAANI

0
502

Wararka ka imanaya magaala madaxda Gobolka Sanaag, Ceerigaabo, ayaa xaqiijinaya weerar loo adeegsaday Baasuukayaal iyo Bambooyin oo xalay lagu qaaday Guriga uu degganyahay Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland, Janaraal Nuux Taani.

Koox dabley ah oo loo malaynayo inay iska soo urursadeen dhanka Buurta Daalo ayaa weerar toos ah ku soo qaaday Guriga uu deganaa Taliye Taani halkaasi oo ay ku dhufteen gantaalaha ka dhaca qoriga loo yaqaano Baasuukaha, kadibna ku xigsiiyeen bambooyinka gacanta laga rido.

Ciidanka Ilaalada taliyaha ayaa la sheegay inay xalay rasaas xoog leh u adeegsadeen iska caabinta Jabhadda soo weerartay taasoo argagax ku abuurtay dadweynaha degmada oo ay ay hurdada ka toosiyeen gariirka hubka la isu adeegsaday.

Waa markii koowaad ee si toos ah loo weeraro Taliye Taani, sidoo kalena waa weerarkii ugu horeeyey ee ay soo qaadaan Jabhadda isku tilmaanta la dagaalanka cadaalad darrada ee uu dhowaan Gobolka Sanaag ka aasaasay Taliye Caarre oo ka falaagoobey Ciidamada Janaraal Taani.

Lagama war hayo inta ay le’egtahay waxyeelada ka dhalatay weerarka xalay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku dagaalamay degmada Ceerigaabo.


Haddii aad hayso war, ra’yi, cabasho, faallo ama  sawir ku saabsan ama si uun ula xidhiidha warkan ku soo dir [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin