Nabadaynta dadkii walaalaha ahaa ee ku dagaalamay Koofurta Laascaanood ayaa qaylo iyo buuq siyaasadeed ka dhex oogtey Xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi ee Kulmiye iyo guud ahaan magaalada Hargeysa.
Xubno ka tirsan kuwii ugu guulwadaysnaa Xisbiga Kulmiye xilligii ololaha doorashada ayaa maanta shir jaraa’id oo xubin ka mid ahi ku qabatay Hargeysa waxay rajo la’aan ka muujisay in Xukuumadda Somaliland dhex ka noqoto nabadaynta dadka Sool iyadoo sidoo kalena tilmaantay sida degaanadii Bariga ee ay ku muransanaayeen Puntland looga faramaroojiyey Xukuumadda Somaliland.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAASI OO DHAN: