HALIS – DAAWO, HAWADAAY OO OROMO KU LAYSAY SOOMAALI: “SIDAAS BAY HAWADAAY U DHEX DAADSANYIHIIN MEYDKOODII”

0
762

In ka badan toban qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda Oromadda, gaar ahaan magaaladda Hawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.

Soomaalidan la dilay ayaa u badan dad ganacsato iskugu jiray kuwo Jaadka ka ganacsada iyo kuwo xoolaha ka ganacsada kuwaas oo qaarkood ku noolaayeen deegaanadda Qoomiyadda Oromadda.

Illaa hadda si rasmiya looma sheegin sababta soomaaliddan loo laayey, hasse ahaatee dadka qaar waxay ku tilmaameen khilaaf deegaan oo u dhexeeya Soomaalidda iyo qoomiyadda Oromadda, kuwaas oo keentay in soomaaliddii ka dhex shaqaysanayey ay laayaan.

Dhinaca kale, magaalooyinka Somaliland ayaa saakay laga dareemay qaad la’aan soo waajahday ka dib markii soomaalidii u joogtay deegaanadii Qaadka laga soo qaadayey la laayay,isla markaana Oromadii jaadka beeraysay ku kacday soomaalidda, taas ayaa keentay in wax jaad ah laga keeno Itoobiya.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin