HALIS, DAAWO – LAASCAANOOD: DHAGARTII SOMALILAND OO DIBEDDA U SOO BAXDAY, GARXAJIS OO SOO TAABTAY

0
378

Guddigii Beelaha Garxajis ee gargaarka geeyey degaanadii colaaddu ka dhacday ee Gobolka Sool ayaa maanta Laascaanood gudeheeda kaga dhawaaqay in ay soo arkeen ciidamada labada beelood ee xasuuqa isu geystey inay yihiin kuwo u diiwaangashan Maamulka Somaliland ayna goobahaasi ku ururisay.

Guddiga Garxajis ayaa warbixintooda ku cadeeyey in Maamulka Somaliland goobihii lagu dagaalamay dib mar kale ugu abaabulayo labadii ciidan beeleed oo, sida ay sheegeen, laga werwer qabo in ay xabaddu markasta qarxi karto.

Guddigu waxay si weyn colaaddaasi ugu dhaliileen Xukuumadda Somaliland oo qaabka ay u dhigeen tahay inay iyadu hurinayso dagaaladaasi.

Dhowaan ayay ahayd markii ay dadweynaha Laascaanood muujiyeen in dagaaladani yihiin qorshe ay Somaliland ku wiiqayso dadka degaanadaasi iyadoo adeegsanaysa ciidan beeleedyo ay hub, rasaas iyo mushahaaro u qortay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKA GARXAJIS:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin