HALIS DAAWO, LAASCAANOOD – MASUUL KA SHAKIYEY DADWEYNE SOO DHOWEEYEY: “WAXA AAD SOO DHOWEYNEYSAAN ANIGA MAAHA”

0
463

Badhasaabka cusub ee Xukuumadda Mudane Biixi u soo xulatay inuu siyaasadeheeda ka fuliyo Gobolka Sool, Mudane Cabdirashiid Gargaar, ayaa maalintii shalay ka yaabsaday xayn dadweyne ah oo loo soo ururiyey inay ku soo dhoweeyaan degaanka Canjiid oo ku dhow magaalada Laascaanood. Mr. Gargaar ayaa dadweynaha qaab qayaxan ugu sheegay inaanu aaminsanayn in ujeedada ay u yimaadeen aanay ahayn inay isaga soo dhoweeyaan. “Waxa aad halka u timaadeen ee aad soo dhoweyneysaan waxaan u malaynayaa aniga maaha” ayuu kooxdii soo dhoweyneysey si cad ugu sheegay Mudane Gargaar.

Dad ku dhowdhow Badhasaabka cusub ayaa bartan laascaanood.com u sheegaya in Mudane Gargaar ka biyo diidey qaabka iyo koobnaanata tirada dadka soo dhoweeyey.  Waxay tilmaameen inuu Badhasaabku filanayey in dadweyne intaasi ka badan ku soo dhoweeyaan magaalada laascaanood gudeheeda iyo afaafkeeda hore.  Haseyeeshee xogo lagu kalsoonyahay ayaa bidhaamiyey in magaalada looga baqay in soo dhoweyntiisa mudaharaad ka bilaabmo sidaas darteedna loo joojiyey in xayntan dadweynaha ahi ku soo dhoweyso magaalada Laascaanood gudeheeda.  Taasi waxay aakhirkii dhalisay in maamulka Somaliland ee degaankaasi joogaa isku afgartay in magaalada laga fogaado tobaneeyo Kiilomitir halkaasna gaadiid loogu daabulo dad loo diyaariyey inay Badhasaabka cusub u sameeyaan xaflad warbaahinta loogu talo galay.

Sidoo kalena waxay ilo wareedyadaasi tibaaxeen in Mudane Gargaar ka xanaaqay markii uu dadweynaha soo dhoweynaya ka dhex waayey wayeelkii iyo dadkii xushmada ku lahaa dadweynaha Laascaanood.

Wararkaasi waxay xaqiijiyeen in Mudane Gargaar ka codsaday Saraakiisha Sarsare ee Somaliland u fadhida degmada Laascaanood in maalinta Sabtida ah culkays lagu saaro magaalada in laga soo qayb galo xafladda xilwareejinta iyadoo durba la bilaabay kulano qofqof ah iyo telefoono loo dirayo shakhsiyaad la doonayo in ay ka soo qayb galaan xafladda berri, Sabtida, si meesha looga saaro madmadowgii uu kala kulmay soo dhoweyntii tuulada Canjiid loogu sameeyey.

HALKAN KA DAAWO ERAYGII REER LAASCAANOOD KA YAABSADY:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin