HALIS, LAASCAANOOD: CARQALADO KA HOR YIMI QABASHADII GACAN KU DHIIGLAYAASHA

Kacsanaan xoog leh, cagajiidka maamulka, hub lala soo baxay

0
1422

Kacsanaan xoog leh ayaa ka muuqata magaalada Laascaanood kadib dilkii xalay loo geystey Allaa ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Cali Shire [Timir].

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo maamulka ka arimiya degaankaasi ka soo saaray shirqoolkii qorshaysnaa ee Ganacsadaha lagu khaarajiyey, sidoo kalena ma jirto wax tallaabo ah oo laga qaaday xubnihii dilka geystey oo la sheegay in si buuxda loo aqoonsaday.

Waxaase xaaladdu sii cakirantay markii laga war helay inuu jiro cagajiid farsamaysan oo hay’adaha amniga qaarkood ka muuqda kaasoo sida ay muujinayaan warar meelo kala duwan laga helayo, loo aanaynayo xubno gacan ku dhiiglayaasha la ollog ah oo xilal sare Xukuumadda Hargeysa ka haya. Dilalkii hore uga dhacay degmada, hay’adaha amniga ee Laascaanood waxay isla markiiba bilaabi jireen qabqabashada dadka iyo reeraha tuhunku soo galo, balse waxaa cagajiidka ilaa haddaa taagan loo aanaynayaa xubno u awood sheegtay maamulka iyo hay’adaha amniga ee Somaliland ku maamusho degmada.

Dhanka kale, Ciidamo koox-koox isu daba yaacaya ayaa magaalada dhex mushaaxaya, waxaase dadweynaha degaanka shaki weyn ku abuurtay xubnaha dilkan geystey qaarkood oo la sheegay inay Ciidamada Somaliland ka tirsanyihiin, lana tuhunsanyahay inay magaalada ku jiraan, oo aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin.

Kala shakiga iyo ka aamin bixista hay’adaha amniga ee maamulku waxay durba sababtay in dadweynuhu hubkiisii garabka ku soo qaato, magaaladana ay ka abuurmaan goobo dadku nafahooda uga arrinsadaan amnigooda.


Wixii ka soo kordha warkan iyo wararka kale ee degaanada SSC iyo Geeska Afrikaba, kala soco bartan laascaanood.com 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin