HALIS, LAASCAANOOD: CIIDANKA KHAATUMO OO XALAY WEERAR CULUS FULIYEY, DHIMASHO IYO DHAAWAC

0
374

Ciidamada Khaatumo ayaa xalay waa soo dhowaadkii weerar ku soo galay magaaladan Laascaanood.  Weerarkan oo ay Ciidan lagu qiyaasay soddomeeyo ka fuliyeen Taliska Qaybta Booliska ee ciidanka Somaliland ayaa loo adeegsaday Baasuukayaal, bambooyin iyo hubka fudud intaba.

Ilo xogogaal ah ayaa bartan laascaanood.com u xaqiijiyey inuu weerarkan ku dhintay Sarkaal  Farxaan Naxashwaa oo ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Khaatumo sidoo kalena ay ciidankaasi kaga dhaawacmeen ugu yaraan laba askari oo ka mid ah Khaatumo.

Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan hal askari kaga dhaawacmay ciidanka Somaliland, halka hal qof oo rayid ahina waxyeelo ka soo gaadhay rasaas habaw ah [wiifto] oo bartii uu hurdey ku habsatay.

Magaalada ayaa laga dareemayaa kacsanaan xoog leh, iyadoo subaxnimadan horeba ay muuqato dad weyne koox-koox isugu waraysanay goobaha qaarkood.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay labada maamul, Somaliland iyo Khaatumo, iyo hay’adohooda amniga midkoodna.

Wadahadaladii Somaliland iyo Khaatumo ayaa hakad galay kadib markii Maamulkii Siilaanyo lagala wareegay kursiga, waxaana beryihii dambe muuqatay hadalo cabasho ah oo Maamulka Khaatumo kaga dayrinayo xaaladda.

Kooxaha hubeysan ee Khaatumo ayaa inta badan ka soo horjeedey heshiiska Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh la galay Somaliland.


Haddii aad hayso war, ra’yi, cabasho, faallo ama  sawir ku saabsan ama si uun ula xidhiidha warkan ku soo dir [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin