HALIS, LAASCAANOOD: FAHIIMA OO TAARWALE KA FARMAROOJINAYSA KURSIGA MAAYARKA, QORAAL LOO GUDBIYEY WASIIR KAAHIN

0
174

Qoraal ku saabsan “Shir aan caadi ahayn” oo ay saxiixeen 9 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka Degmada Laascaanood ayaa maanta ku soo biiray barnaamijkii afgembiga Maayarka degmada Laascaanood ee ay dabada ka riixeysey Xildhibaan Fahiima Quuje oo ka tirsan isla golahaasi.

Qoraalkan ayaa ah mid lagu eedaynayo Maayarka Degmada Laascaanood, Mudane Cabdicasiis Xasan Taarwale, kaasoo si kursi looga tukhuntukheeyo ay kooxda Fahiima ku eedaysay xilgudasho la’aan, kelitalisnimo, kalaqaybin, musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Dadka ku dhowdhow Xarunta Golaha Degaanka Laascaanood ayaa bartan laascaanood.com u sheegay in la filayo in isla maanta qoraalkan eedaynta loo gudbiyo Gudoomiyaha Gobolka oo u sii diri doona Wasiirka Wasaaradda A. Gudaha.

Ololaha Xildhibaan Fahiima ayaa lagu sheegay inuu daarranyahay sidii ay u maroorsan lahayd kusiga Maayarnimada ee uu hadda Mudane Taarwale ku fadjiyey muddo 18 bilood ku dhow.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKII XILDHIBAANADA LAASCAANOOD:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin