HALIS, LAASCAANOOD: RASAAS KA DHEX YEEDHAYSA, MADAXWEYNE BIIXI OO GOORDHOWEYD SOO GALAY

0
200

Waxaa hadda gudaha magaalada Laascaanood si xoog leh uga dhex yeedhaysa rasaas iyadoo uu saacado ka hor soo galay Madaxweyne Muuse Biixi, Madaxwynaha Somaliland.

Rasaas kala duwan oo ka dhacaysa hubka fudud iyo qoryaha waaweyn ayaa laga maqlay magaalada, iyadoo la xaqiijiyey inuu Madaxweyne biixi bedqab ugu gudbey dhanka Tukaraq.

Dadweyne u badan shaqaalaha dawladda ayaa Madaxweynaha ku soo dhoweeyey dhisme xukuumaddu leedahay oo ku yaalla duleedka magaalada, isagoo goobtaasi kula kulmay madaxda dawladda ee ku sugan Laascaanood iyo odayaal ka tirsan degaanka oo halkaa lagu sii kulmiyey.

Ma cadda cidda ay ciidamada Somaliland ku bartilmaameedsanayaan rasaasta, haseyeeshee waxaa magaalada ka socda mudaharaad kooban oo ay qaybo ka mid ah dadweynaha magaaladu kaga soo horjeedaan booqashada Mudane Biixi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay, ilaa hadda, dhanka Somaliland iyo dadka gadhwadeenka ka ah Mudaharaadka magaalada ka dhacay.  Sidoo kalena ma jiraan ilaa hadda wax khasaare ah oo si rasmi ah loo baahiyey.

Wixii war ka soo kordha kala soco bartan laascaanood.com.

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin