HALIS, SHEEKADA GARACAD: DIIDMADA KHAYRE, DUDMADA IYO DHAGAX-DHIGGA GAAS

0
261

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Proff. Gaas, ayaa keligiis soo dhagax dhigay deked cusub oo laga dhisayo degmada Garacad ee Gobolka Muddug kadib markii uu ka soo horjeestey Ra’iisalwasaare Khayre oo booqasho ku joogey Puntland.

Dhagax dhigga dekeddan ayaa khilaaf ku dhextuuray Maamulka Puntland iyo Khayre iyadoo lix ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer degaanada Puntland ay si wadajir ah u soo saareen qoraal ka kooban 6 qodob oo ay ku dhaliilayaan go’aanka Khaye.

Ma cadda aragtida Khayre ee uu ku diidanyahay dekedda Garacad, haseyeeshee waxaa la ogsoonyahay in degmadaasi ay garabka isku hayaan Degmada Hobyo oo ka tirsan Maamulka Galmuddug oo Khayre u ololaynayey in laga dhiso deked casri ah.

Xaflad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay degaanka  Garacad ee hostaga  degmadda Jarriiban ee Gobolka Mudug,taasoo lagu  dhagax-dhigay dhismaha deked Cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo.

Munsabadda waxaa kasoo qaybgalay  Madaxwynaha  Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), gudoonka Golaha wakiiladda, xildhibaanno, wasiiro, xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, saladiinta dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax-dhagay dekedda cusub ayaa sheegay in dhismaha dekadaani qayb kayahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa  dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta soo ajiibtay munasabadda dhagax dhiga dhismaha Dekedda cusub ee Garacad,waxaana uu ku dhiiriyey howlwadeenadda iyo guddiga gacanta ku haya dhismaha  dekedda in looga bahanyahay taabagelinta howlaha socda.

Dhammaan mas’uuliyiinti dowladda iyo madaxdii dhaqanka ee munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka isku-tashiga ah ee lagu dhisayo dekedda cusub ee degaanka Garacad,waxaana ay bulshada ku dhiiriyeen in si fiican looga qayb qaato dhismaha dekedda.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin