Hargeysa: Agaasimaha Cusub ee Hayada SOLNAC Oo Xilkii La Wareegay

0
273

Hargeysa: Munaasibad Balaadhan oo Ay Xilalka Kula kala wareegayaan agaasimaha cusub Ee Komiishanka AIDS-ka Somaliland ayaa Maanta Loo qabtay Xaflad Balaadhan,waxaana Munaasibada Goob joog ka ahaa shaqaalaha xarunta iyo marti sharaf kale.

Labada Agaasime Ee Madaxwaynahu isku badalka ku sameeyay ayaa waxa xilalka u kala wareejiyay agaasime maamulka iyo lacagta ee Komiishanka Ladagaalanka Adis-ka,waxaana uu sheegay in agaasimaha lasoo magacaab yahay nin aqoon yahan ah oo hanan kara Xilka loo dhiibay.

 

“shaqada halkan ka socotaa mid loowada dhan yahay oo gudida uu komiishankani ka kooban yahay ay kawadda tashadaan,anagu waxaanu ka shaqaynaa si wada jira ah,meeshuna maaha meel sanqadh iyo waxaas leh ee hadii hawli inaga hortimaado si hoose ayaynu ku dhamayn,shaqaalahuna way ku soo dhawaynayaan oo diyaar ayay kuu yihiin in ay si aad u qurux badan kuula shaqeeyan ee adna dadaal oo dad xanuun sanaya ayaa goobta loogu adeegaaye.sidaas ayuu yidhi agaaasimaha maamulka iyo lacagtu

Agaasimaha Cusub Ayaa masuuliyiintii madasha ka hadashay ku soo dhaweyeen dardaaran ah inaanu khilaaf dhexdooda iman madaama oo agaasime Abiib intii xukuumadda kulmiye jirtay lix wasaaradood soo maray kuwaas oo inta la ogyahay khilaafyo looga soo badalay ayna ka mid yihiin cadaalada iyo waxbarashada.

Agaasimaha maamul Wanaag iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa cadeeyay inuu shaqo wanaag iyo aqoon ku hubo agaasimaha cusub ee Komiishanka Adis-ka waxaana uu cadeeyay in qordofooyinka nolosha ay ka mid tahay in shaqada lagu kala aragti duwanaado,isaga oo soo jeediyay inuu ka bixi doono shaqada cusub ee madaxwaynaha Somaliland u igmaday.

“Shaqo wanaag ayaa ku aqaan agaasime abiibi waa nin mudo kar ah waxa uu markasta ku hawlaan jiray marba meesha uu joogo inuu shaqo wanaagsan ka qabto maanta hadii uu halkan yimid oo madax looga dhigay waxaan hubaa inuu shaqo wacan ka qaban doono oo halkani waa goobta lagula dagaalamo inuu faafo cudurka Adis-ka oo dawooyinka bixisa markaas hawlahaas uu inoo hayo ilaahay ha u fududeeyo.

Sahra Aadan Guuleed oo ku hadashay afka Gudida Komiishanka Adis-ka Ayaa Dardaaran Huwisay Agaasimaha Cusub Ee Gudida ee dhawaan madaxwayne siilaanyo ka soo badalay wasaarada waxbarashada waxaana ay cadaysay in gudida halkan  joogtaa ay isku xidhan tahay.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin