HARGEISA: SHEEKH AADAN SUNNE OO SAQDII DHEXE LA MIRAY, SHEEKH SHACBAAN OO DIIWAANGELINTA “SHEYDAAMEEYEY “IYO SHEEKH AADAN SIIRO OO DURAY DHAQANKA CADDAANKA HARGEYSA JOOGA.

0
5081

Hargeysa xukuumadda iyo Culimada Diinta oo sii kala durkaya.

Hargeysa  (laascaanood.com):  Ciidanka la Dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano RRU  ayaa xalay gudoodi kula baxay Sheekh caan ku ahaa ka-hadalka iyo dhaleecaynta dhaqamada ka soo horjeeda Diinta Islaamka.   Sheekhan oo lagu magacaabi jirey Sheekh Aadan Sunne ayaa  falkan Xukuumadda Somaliland ku mirtay waxaa loo tuhmayaa inuu ka dambeeyey faallo uu sheekhu ka bixiyey dhaqanka Ciidanka RRU iyo waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

Sheekha waxaa dhawr jeer oo hore, sidan oo kale, xabsiga u taxaabay Ciidanka iyagoo mar waliba ka gadoodsanaa khudbado uu ka akhriyey masaajidyada magaalada.   Waxaa ugu dambeysey xadhigii Sheekha lagula kacay Bishii Afaraad  April) ee sannadkii  ina soo dhaafay, 2015.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Hargeysa ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay khudbaddii masaajidka ku soo qaatay dhaqan xumo ay hablaha magaalada kula kacaan qaar ka mid ah caddaanka  (gaalada) u shaqaysa hay’adaha shisheeye ee dalka ka hawlgala.  Waxaana lagu soo warramayaa inay xukuumaddu si weyn uga cadhootay.

Sidaasi si la mid ah, Sheekh kale oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Cabdilaahi Aadan (Shacbaan) ayaa Salaaddii Jimacaha, masjidka Alhuda, dadka ka wacdiyey kana reebay ka qaybqaadashada diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay “shuqul Shaydaan”  isagoo yidhi “Kaadhka Codbixinta qofku ha ogaado hadduu qaato wuxuu koryeelayaa waa Kelimatu Shaydaan, wuxuu hoos dhigayaa waa kelimatu ALLAAH waa qofkii qaatoow, waxaad tahay kuwa dimuqraadiyada bullaaliya ee kor u dallaca ee kobciya, markaa qaado ama ha qaadan’’ .

Waxaa intan ka horreysey Xukuumadda iyo Culimada Diinta oo laba bilood ka hor si weyn isugu maandhaafay Xeerka Baananka oo bannaynaya ku macaamilka Ribada oo ay si weyn uga gadoodeen Culimadu. 

Waxaa muuqata inay maalinba maalinta ka dambaysa sii kala fogaanayaan Culimada Diinta iyo Xukuumadda maanta ka talisa Somaliland.  Haddii aan xal loo helin waxay saamayn taban ku yeelan karaysaa xasiloonida iyo aragtida bulshadu ka qabto Xukuumadda.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin