HASS PETROLEUM OO DEEQ GAADHSIISEY SOOL, CATAASH OO GUDOONSIIYEY

0
879
Maamulka Gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood ayaa shirkadda HASS Petroleum maanta kala wareegey gaadhi nooca gargaarka degdegga ah (Ambulance) iyo Sariiraha cusbitaaladaMudane Cabdirisaaq Cataash, Maareeyaha Guud ee Shirkadda HASS Petroeum Somaliland, oo degmada booqasho ku jooga ayaa xaflad kooban oo uu goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, saraakiil ka socotey dawladda dhexe ee Somaliland iyo waxgaradka gobolka ku gudoonsiiyeyay maamulka degmada Laascaanood.  Gaadhigan iyo sariiraha loogu talo galay inuu ka qayb qaato buuxinta baahida degdegga ah Ivo butaan-jiifka ayaa waxaa degmada Laascaanood ugu deeqday shirkadda HASS Petroleum.
Shirkadda HASS Petroleum ayaa degaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle hore uga hirgelisey barnaamijyo deeq ah oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, biyaha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.
Maamulka Gobolka Sool, kan degmada Laascaanood iyo waxgaradka gobolka ayaa si weyn ugu mahad celiyey shirkadda HASS Petroleum iyagoo xusay waxtarka kale ee ay shirkadaasi ku kaalmaysey degaanadaasi.
It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin