Haween Nolosha Qoysas-kooda Ka Biili Jiray Iibinta Caanaha Xoolaha Nool Iyo Hilibka Ayaa Waxaa Saamayn Aan Wanaag-Sanayn Noloshooda Ku Reebtay Abaarta Haween-kaasi Waxay Sheegeen In Nolol Adag

0
200

Haween-kaasi Ayaa Waxaa Soo Food Saartay Xaaalad Nolol ahaan Aad U Adag Qaar kamid ah Haween-kaasi,

Waxay Sheegeen inay Mudo laba Bilood ah ay Xaaladu ku Xumayd Markii ay Waayeen Caanaha oo ay ku Tiir-sanaayeen Nolol ahaan Ee ay ka Ganacsan Jireen La Waayay Abaarta Ka Jirta Sool,

Taasoo ay Ugu Wacan tahay Xoolihii Dhiiqi Jiray Caanahaasi Qaarna Abaari Dishay Kuwana Deegaana kala Loola Qaxay si Loo Bad-Baadiyo Noloshooda,

Faadumo yaasiin Cali Waa Hooyo Waana 55 Sana Jir waxay Sheegtay inay mudo 4  Sano ah ka Shaqay-nahaysay kana Biilaysay Caruurteeda oo 12 ah kuwaas oo Dhigta Iskuulo,

‘’Hada waxaa lay haystaa Gurigii oo Kira ah Mudo Laba Bilood ah maan Bixin Waxaan ka Baqayaa in Banaanka Alaabada lay Soo Dhigo,

Maadaama aan Waayay Lacagtii aan ku Bixin Jiray Markii Caanihii lawaayay, Aroor Walba Waxaan imaadaa Suuqa Bal inaan 2 Litir oo Caana ah aan Helo Si aan Wuxuu Noloshayda ah Ugu Dabaro,

Faadumo Waxay Intaasi Raacisay Gurigu Waa Laba Qol Oo  Kira Ah Waana 80 Dollar Bishii Hada Boqol iyo Lixdan Dollar ayaa laygu leeyahay,

Abaartu waxay noo Saamaysay Si wayn waxaanu heli jirnay ayaanu waynay Oo Ahaa Caanaha Nolosha-yadu  ku Tiirsanayd,

‘’Kiradaan iskaga Bixin jirnay Raashin kaan kusoo iibsan Jirnay Lacagta aan ka helno caanaha Sidoo Kale laydh-ka, Dhuxusha, Iyo Caruurtaan Iskuulka kaga Bixin jirnay,

‘’Abaartan Waa Mid ka Duwan Abaarihii Dhici Jiray Meel uun baa caana laga keeni jiray hada waa isku Mid Meel walba Meel laga keenaa Majirto, Litirkii Caanaha ahaa Waxaa la siiyaa 2 Dollar oo aan lagu helayn markii Hore 1 Dollar ayuu ahaa

Raashinka ayay Sheegtay inay Dayn kaga Soo qadato Dukaan ayna Wakhti Xaadir kan  Dayn ku Nooshahay,

Farxiya Cali  Diiriye Waa Hooyo leh Lix Caruur ah Oo Agoon ah Waxayna Kamid tahay Haweenka Nolosha Qoysaskooda Ku Daberi-Jiray Iibinta Caanaha Xoolaha Waxayna Iminka Ku Rafaad-santahay Gudaha Laascaanood,

 

‘’Abaartu Waxay Noo Saamay-say Siwayn Caanaanu Iibin Jirnay Oo Caruurta ka Masruufi Jiray Caanihii waa lawaayay markii Caanihii lawaayay anana Caruurtii Waxaan Siinaan Waynay Gurigu Waa kiro Iskuul ayaa lagaa Rabaa Caruurtii Cuntay Rabaan,

Kiradii Waalaygu leeyahay Sadex Bilood    Iskuulkii Caruurta  Waalaga Soo Eryay Markii Bishii An Bixin Jiray Waayay Sadexdii Wakhti Waxaa laga yaabaa in marmar Aan u Waayo Waxaan Dheriga Ugu Shubo,

Dayn iyo Dalac Naasil Ayaan ku Noolahay Caruurtii waaxay leeyihiin Hooyo Wax nasii Waxna Uma Hayo

,

Cali Gacan Wuxuu kamid yahay Dilaaliinta Saylada Adhiga Ee Laascaanood Wuxuuna Sheegay In Abaarta ka Hor ay Saylada Imaan Jireen ilaa 400 Oo Adhi ah Kuwaas oo 250 Kamid ah Maalintii la Qali Jiray,

Siday Abaartu U Dhacday Waxaa Yaraaday Adhigii Waxaa Maalintii Hada Yimaada ilaa 40 Adhi ah,

Neefkii Waxaa la Siyaa ilaa Melyan iyo Laba Boqol Oo Somali ah

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin