HESHIISKA ASMARA: QODOBO SOMALIA LAGU TAAGEERAY

0
163

Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eriteeriya waxaa maanta heshiis ka kooban afar qodob ku kala saxeexday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki

Heshiiska ayaa lagu sheegay in labada shacab ee Eriteeriya iyo Soomaaliya ay taariikh ahaan waligood is taageeri jireen xilliga midkasta ku jirya halganka xornimada iskana kaashan jireen maareynta caqabadaha  heystay.

Iyadoo laga duulayo Taariikhada soo jireenka ah ee labada dal iyo labada shacab, waxay dawladaha Eriteeriya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiskan:

  1. Soomaaliya waxay haddiyad ahaan u heysataa dhul Istraatiiji ah, dad wanaagsan, iyo kheyraad dabiici ah, muddo waxaa heystay caqabada gudaha ah iyo faragelin dibadda ah, iyadoo halkaas laga ambaqaadayo Eriteeiya waxay si buuxda u taageereysaa Madaxbanaanida Siyaasadeed, dhuleed, iyo dadaalka ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan soo celinta sharafta iyo Qiyamka Soomaaliya.

  2. Soomaaliya iyo Eriteeriya waxaay isku dayayaan qaabeynta xiriir dhow oo siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho, dhaqan iyo sidoo kale difaaca iyo iskaashiga dhinaca amaanka.

  3. Labada dal waxay billaabi doonaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed, waxayna is weydaarsan doonaan Danjirayaal, iyadoo la furayo safaaradaha, si loo dhiirigeliyo maalgashiga, xiriirka Ganacsiga iyo isdhaafsiga dhaqanka.

  4. Eriteeriya iyo Soomaaliya waxay ku wada shaqeyn doonaan heshiiskan si loo xoojiyo nabadda Gobolka, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin