ISIMADA SSC IYO KEATING OO KULMAY, DACWAD KA DHAN AH SOMALILAND OO LA GUDOONSIIYEY

0
582

Isimada ka soo jeeda degaanada SSC ee hadda ku sugan magaalo madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhanyahay la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Mr. Michael Keating.

Isimada ka qayb galay shirkan gaarka ah waxaa la tilmaamay inuu horkacayey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Kulankan oo ay soo abaabuleen saraakiisha sarsare ee Garowe ayaa ahaa mid ay Isimada degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu muujinayeen Qaramada Midoobey sida aanay marnaba u oggolayn sii joogista Ciidamada Somaliland ee ku sugan dhulkaasi.

Booqashada Keating ee Garowe iyo kulanka Isimada SSC ayaa daba socda go’aankii shirkii Soomaalida iyo 52 dawladood ku dhexmaray Brussels 21 -22kii bishan July, 2018.  Shirka ayaa go’aamiyey in ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku horfadhiya Tukaraq la kala qaado laguna celiyo goobihii ay dagaalka ka hor ku sugnaan jireen.

Ilo ku dhow goobta shirka ayaa tibaaxay inay Isamadu qoraal ka dhan ah joogitaanka Somaliland ee degaanada SSC u gudbiyeen Danjire Keating.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin