ISIMADII DAWLAD DEGAANKA SOOMAALIDA OO MUQDISHO KA DEGEY

0
195

Wefdi ka kooban isimada Dawlad Degaanka Soomaalida [DDS] ee dalka Itoobiya oo ay wehelinayaan isimo ka tirsan madaxdhaqameedka Puntland ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Soomaaliada, Muqdisho.  Wefdigan oo ka soo kicitamay   magaalo madaxda Dawlad Goboleedka Puntland waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey Garoonka Aadan Cadde madaxda dawladda Somalia iyo kuwa Gobolka Banaadir, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Xamar.

Wefdigan oo uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal ayaa la filayaa, muddada ay joogaan Xamar, inay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu saraysa Xukuumadda Soomaalida iyo madax dhaqameedka ku sugan Banaadir.

Saraakiisha ku soo dhoweysey Garoonka Aadan Cadde waxaa ka mid ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Cumar Finish oo isimada u sii hogaamiyey goobtii loo qorsheeyey inay degaan.

Isimada oo tiradooda lagu sheegay 13 xubnood ayaa waxaa wehelinayey isimo ka tirsan isimada Puntland oo ka soo gelbiyey Garowe.  Ma cadda ujeedada safarka Isimada DDS, haseyeeshee waxaa hore looga warqabey inay muddoba ku hawlanaayeen deminta colaaddii sannadihii ina soo dhaafay ka aloosnayd degaanka Dharkayn geenyo ee Gobolka Sool.

Labada dhinac, Isimada iyo Xukuumadda, midnaba kama hadlin ujeedada safarka.  Sidoo kale, marka laga reebo soo dhoweynta ay u sameeyeen masuuliyiinta kor xusan, ma cadda inay Xamar iskood ugu boqoleen iyo inay martiqaad rasmi ah ka haystaan Xukuumadda Nabad iyo nolol ee Farmaajo iyo Khayre.

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin