ISIS:MUUQAAL DAD LA TOOGANAYO OO LA SOO BANDHIGAY

0
329

KOOXDA Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo argagax gelin ah oo ay ka soo muuqanayaan shan carruur ah oo uu ku jiro wiil British ah, iyagoo madaxa ka tooganaya shan nin oo Kurdiyiin ah, kuwaasoo lagu qabtay dagaal.

Muuqaalkan oo soconaya sagaal daqiiqo ayaa waxaa ka muuqda shan carruur ah oo xiran dareys milateri, gacantana ku heysta bastoolado.

Carruurtan ayaa la rumeysan yahay inay dhaleen dagaalyahano ka tirsan Daacish, waxaana goobta ay falka toogashada ka fuliyeen oo aheyd lama dagaan la rumeysan yahay inay tahay magaalada Raqqa ee dalka Suuriya.

Mid ka mid ah carruurta ka dhex muuqatay muuqaalkan oo ka soo jeeda Britain ayaa lagu magacaabaa Abuu Abdullaahi Al-Biritaani, waxaa da’diisa lagu qiyaasay 12 jir.

Wiilkan yar ayaa indhihiisa ay buluug yihiin, waxaana dhalay dagaalyahan British ah oo la rumeysan yahay in magaciisa howl galka uu yahay Abdulahi Al-Biritaani.

Shantan carruur ayaa ka soo kala jeeda dalalka Britain, Masar, Turkey, Tunisa iyo Uzbekistan, waxaana ay madaxa ka tooganayaan shanta nin ee maxbuuska ahaa, kuwaasoo xiran dharka maxaabiista ee hurdiga.

Mid ka mid ah oo ku headily aka carabiga ayaa sheegay in aanay Kurdiyiinta cinder bad baadin karin, xataa hadii ay taageeri ka helaan Mareykanka, France, Britain, iyo Jarmalka.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq ayaa horay u soo bandhigay muuqaal argagax leh oo ay ka muuqdaan carruur yar yar oo wax tooganaya, taasoo loo arko mid aan diinta Islaamka waafaqsaneyn, waxaana ficilada kooxdan ay noqdeen kuwo la cambaareeyo, laguna tilmaamay kuwa aan raad ku laheyn Diinta Islaamka.

maxaabis-togashomaxabis-togashomaxabis-togasho1

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin