JARMALKA IYO JUBALAND: JARMALKA OO JUBALAND KA TAAGEERAYA DHANKA DHISMAHA CIIDAMADA

0
304

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubballand ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya, Jutta Frasch. iyo ku-xigeenka Safiirka iyo Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xubnahan ay hormuudka u ahayd Safiir Jutta Frasch ayaa waxay ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in baahiyaha ugu badan ee deegaanka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay ay ka codsanayaan Beesha Caalamku inay wax muuqda kala qabato.

Dawladda Jarmalka ayaa dhinaca kale Jubbaland kala shaqaynaysa Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida iyo dhamaystirka Xarunta dhaqan celinta Maleeshiyadka kasoo goosanaya Al-Shabaab waxaa kale oo Dawladda Jarmalku ay Jubbaland ka caawinaysa dhismaha Xarunta Ururka Haweenka iyo waxyaabo kale oo adeega Bulshada ah.

“Jarmalku kaalin weyn ayay ku lahayeen Hormarka Soomaaliya wakhtigii Dawladii dhexe Aniguna waxaan wax ku bartay Iskuul farsamada gacanta ah oo Jarmalku ay maamulayeen” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Safaarada ayuu Madaxweynahu ku bogaadiyay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan isagoo sheegay in Jubbaland ay dhawaan qaadayso duulaan lagu xoraynayo qaybaha Gobolka ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Dawladda Jarmalkana ay doorkooda ka qaadan doonaan.



It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin