JILJILEEY OO JUG WEYNI KA YEEDHAY, XARUNTII ABAABULKA ALSHABAAB OO DIYARADI DUQAYSAY

0
265
Drone Airstrike Kills Two Top Al-Qaeda Leaders in Northeast of Afghanistan

Wararka ka imanaya  Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal ay duqeyn xoogan ka geysteen Deegaan Lagu Magacaabo Jiljileey, Waxa ay 18 KM ujirtaa Tuulada Ceel Cali oo dhanka Galbeed ilaa 70 KM Kaga Toosan Magaalada Baladweyn.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya iney Maqleen Jug xoogan oo Cabsi ku beerta Shacabka deegaanka, Waxey sheegeen in ilaa Todobo Jeer Diyaaraduhu ay isugu laalaabteen Deegaanka ay Duqetnta xoogan la bartilmaameedsadeen, Faahfaahin buuran lagama hayo Khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeynta.

Deegaanka duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa saldhig lagu tababaro malayshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana laga abaabulo weerarada uu ururka ka geysto goballada Hiiraan iyo Bakool.

Duqeynta oo dhacday Shalay Gelinkii danbe, ayaa Wararka Caawa laga helayo Jiljileey waxey sheegayaan in Shabaab ay sameeyeen Howlgal balaaran, Iyagoona soo qaqabtay Dhalinyaro badan oo loo heysto iney wax ka abaabuleen Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka.

Majirto Wali Cid Sheegatay Masuuliyada Weerarka, Waxeysa Saraakiisha amaanka Hiiraan soo sheegayaan iney tuhmayaan in Diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Mareykanka ka danbeeyaan Duqeynta xoogan, Tan iyo Markii la doortay.

Madaxweyne Trump, Mareykanka waa uu laba Jibaaray weerarada ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish ee Gobolada Somaliya.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin