JUBBALAND, KISMAAYO: FARTAAG OO LA FADHIISIYEY, MAXAMUUD SAYID AADAN OO HALKIISII FADHIISTAY, ISFAHAMKII BEESHA MAREEXAAN IYO AXMED MADOOBE OO KALA FADHIISYEY.

0
5396
Janaraal Fartaag, Jubbaland

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu magacabay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad iyo Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenkiisii hore Jen. Fartaag, waxa uuna hada u magacaaby Madaxweyne kuxigeenka Koowaad in uu noqdo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo horey mucaarad ugu ahaa maamulkiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland ayaa mar kale waxaa loo magacaabay Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere] oo hore xilkaasi u hayay, waxaana dhawaan lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo oo mucaarad ku ahaa Maamulka Axmed Madoobe, waxayna magacaabistiisan ay timid kadib markii ay heshiiyeen Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan.

M. Seyd Aadan
M. Seyd Aadan
Janaraal Fartaag, Jubbaland
Janaraal Fartaag, Jubbaland
It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin