KHAATUMO IYO FEDERAALKA: QODOBO KU SAABSAN GARGAARKA IYO KA QAYBQAADASHADA WADAHADALKA SOMALILAND OO LAGA HESHIIYEY

0
590

Wararka laga helay wada hadalkii Proff, Cali Khaliif Galaydh Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo, Mudane Farmaajo Madaxweyaha Dawladda Federaalka ah iyo Mudane Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa muujinaya in wada hadalkii Brussels ku dhexmaray madaxdaasi la iskula meel dhigay laba [2] qodob oo cusub.

Warar ay heshay bartan Laascaanood.com ayaa tilmaamaya in la isla meel dhigay kaalinta Proff. Cali Khaliif iyo Maamulkiisu ku yeelanayaan wadahadalka la qorsheeyey ee Somaliland iyo Dawladda Fedraalka. Dhinacyada shiray ayaa isla gartay si loo helo Somaliland u dhammaystiran wada hadalka in Proff. Cali Khaliif xubin rasmi ah ka ahaado shirarka soo socda dhanka wefdiga Somaliland.

Dhanka kale, waxay madaxdani mabda’ ahaan isla qaateen in ay Dawladda Fedraalku qorshe gaar ah oo ku saabsan gargaarka iyo horumarka u samayso degaanada Sool, Saanaag iyo Cayn.  Qorshahan, waxaa la isla qiray, inaan lagu hallayn maamulada ku muransan degaanadaasi ee Somaliland iyo Puntland midnaba.  Arrintan ayaa ah mid fagaarayaal hore oo ay Saaxiibada Somalia goobjoog ka ahaayeen lagu soo qaatay balse looga fadhiyey inay Dawladda Fedraalku go’aan ka qaadato.

Labadan arrimood ayaa guul weyn u ah Maamul Goboleedka Khaatumo oo dhowaan, markii koowaad, ay u suura gashay inuu Baarlamaankiisu ku shiro Caasimadda Maamu goboleedka, Laascaanood.

Ilaa hadda ma cadda aragtida Maamulka Muuse Biixi ee ku saabsan Shirka Brussels ee Farmaajo, Galaydh iyo Waraabe iyo sidoo kale sal dhigashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Khaatumo ee magaalada Laascaanood ooh ore loogu ogaa inay ka taliso Somaliland.


Fiiro Gaar ah:  Wixii xog, war, sawir, faallo, ama cabasho ah ee warkan ama wararka kale ee bartan ku saabsan fadlan noogu soo dir emailka: [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin