KHATARTA KU WAAJAHAN SOMALILAND: SHIRQOOLKA FAYSAL C. WARAABE IYO MADAXDA KOOFURTA SOMALIA

0
464

Warar isa soo taraya ayaa ka soo baxaya shirar ay toddobaadkii hore Magaalada Nayroobi ku wada yeesheen Faysal C. Waraabe iyo Madax kala duwan oo ka tirsan Koofurta Somalia.

Xubno ka tirsan siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaana u dhashay degaanada Somaliland, oo ku sugan isla magaaladaasi Nairobi, ayaa saraakiil sarsare oo xukuumadda Madaxweyne Biixi ka tirsan, ganacsato iyo siyaasiyiin joogta gudaha Somaliland uga digey qorshe khatar ah oo lagu Khalkhal gelinayo Somaliland, kaasoo mashruuc ahaan garwadeen looga dhigay ninka Gudoomiyaha ka ah Xisbiga lagu magacaabo UCID ee ka diiwaangashan Somaliland, Mudane Waraabe.

Qorshaha hawshan loo cumaamaday Faysal C. Waraabe ayaa udub dhexaadkiisu yahay in Somaliland oo uu wakiil ka yahay odaygaasi hogaamiso shirar iyo ololayaal ballaadhan oo ay ka soo wada qayb gelayaan waxgarad iyo siyaasiyiin ka kala socota dhammaan Maamul-goboleedyada Somalia, oo ay markan ku jirto Somaliland.

Sida ay warbaahinta Nairobi ka war heshay waxaa isu imaatinka Maamul goboleedyadaas foodsaaro [marmarsiiyo] Iyo hal-ku-dheg looga dhigay “Khataro Soomaalida kaga soo socda dhanka Itoobiya”.  Waxay warakaasi tibaaxeen in Mudane Waraabe lagu dhiirigeliyey inuu khilaaf siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland u adeegsado fursad uu ugu baaqo inuu ku abaabulo dadka ay isku haybta yihiin si loogu dhiirado in markii ugu horeysey waxgaradka Somaliland laga qaybgeliyo shirarka Somalia.  Waxaa la saadaalinayaa in haddii qorsdhahani suuragalo ay bar bilaw wax-ku-ool ah u noqon doonto is dhexgalka Somaliland iyo mammal goboleedyada Somalia.

Toddobaadkan horaantiisii, Faysal C. Waraabe wuxuu Nairobi kula kulmay xubno siyaasiyiin ah oo kala duwan oo ay ka mid yihiin xubno labad gole ee Baarlamaanka Federaalka ugu jira Beesha Isaaq, Madaxda Maamul gobleedyada qaar ka mid ah, iyo saraakiil ka socota xukuumadda Farmaajo oo la sheegay inay si gaar ah shir qarsoodi ah oo qaatay shan [5] saacadood in ka badan ugu yeesheen hudheelka lagu magcaabo Safari Park.

Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinacyada kulmay, marka laga reebo hadallo isku dhex quban oo uu Faysal C. Waraabe ka jeediyey Hargeysa markii uu shalay dib ugu laabtay.  Faysal ayaa hadalka uu jeediyey si cad ugu qeexay inuu qorshaynayo in shir Soomaaliyeed la qabto [Eeg muuqaalka hoose].  Wararkani waxay tilmaameen in Mudane Waraabe loo sii hormariyey dhaqaale kooban oo uu hawshan ku fuliyo, isla markaana loo ballanqaaday qaadhaan xoog leh oo meelo kala duwan looga soo dirayo.

Sida laga war qabo, Mudane F. Waraabe, marar hore oo is daba joog ah ayay wada hadalo yeesheen Xukuumadihii Federaalka ee kala dambeeyey, isagoo kulanno toos ahna marar kala duwan la qaatay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisalwasaare Khayre, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan hay’adaha Dawladda uu hadda hormoodka ka yahay Mudane Farmaajo.  Sidoo kale, wuxuu Gudoomiyaha UCID hore ula arrinsan jirey madaxdii dawladdan Federaalka ka horeysey sida maamuladii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Tan iyo intii ay socdeen shirarka Somalia, Somaliland waxay mar walba ku dadaashey inaanay dhex qaadin siyaasadaha Somalia, haseyeeshe waxaa marar dhawr ah si muuqata ugu dhex milmay Odaygan Faysal C. Waraabe oo aad looga yaqaano degaanada Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO UU KU WARAMAYO WARAABE:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin