KORNAYL CAARRE IYO ERGADIISII: XAALADDIISA CAAFIMAAD IYO KHILAAFYADA ALOOSAN

0
206

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa si weyn hoos ugu dhacay dhaqdhaqaaqii Sarkaalkii ka goostay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Kornayl Caarre.  Dad xidhiidh la leh sarkaalkan ayaa tibaaxay in tani ku timi xaaladda caafimaad ee Sarkaalkaasi oo aan wanaagsanayn taasoo uu muddoba ka cabanayey dhanka caloosha.  Xubno Saraakiil ka ah Ciidanka Qaranka oo bartani waraysatey ayaa noo xaqiijiyey in markii hore ee uu fakashaday bilaabayba xaaladdiisa caafimaad aanay wanaagsanayn, ayna hubaan inaanay suuragal ahayn inuu buuraha ku sii jiro haddii aanu helin daryeel caafimaad oo sare.  Tani waxay keentay in Kornayl Caarre iyo xubno seef la bood ah oo kooxdiisa ka mid ahi iskaga hor yimaadeen falalka kharbudaada ah ee mararkii ugu dambeeyey ka geysteen degaanka Ceel afweyn.  Wararka ku soo duulduulaya Ceerigaabo ayaa sheegaya in isqabqabsi iyo muran xoogani ka dhex aloosan yahay Kornayl Caarre iyo xubno ka mid ah dableydii buurta Ceerigaabo dhufayska ka dhigatay.  Wararku waxay intaasi ku darayaan in Kornaylku door biday in dhaqdhaqaaqa la joojiyo, ragga qaarkiina ku gacan saydhay iyagoo isku tilmaamay inay “Jabhad” yihiin balse aanay ahayn “ciidan nin leeyahay”.

Dhanka kale, warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ergadii isu xil saartay soo afjaridda colaadda Sarkaalkan iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.  War aan ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in khilaaf weyni soo kala dhex galay odayaashii ka shaqaynayey dhexdhexaadinta ee ka soo jeeday beesha Caarre.  Khilaafkan ayaa dabada ku haya soo jeedin soo noqnoqatay oo ka timi dhanka xukuumadda taasoo ku talinaysa in Sarkaalkani dibedda uga dhoofo dalka, xukuumadduna bixin doonto kharashkiisa caafimaadka. Wararka ayaa muujinaya in xubno muhiim ah oo ergada ka tirsanaa ay aqbaleen go’aanka xukuumadda, halka qayb kalena si weyn uga cadhootay.

Dadka aqoonta u leh arrimaha ciidamada ayaa, badiba, isku raacsan in aanay suuragal ahayn in Xukuumaddu aqbasho shuruudo ka yimaadda dhanka Sarkaal ciidankeeda ka fallaagoobey.  Waxaana la saadaalinayaa, haddii xukuumaddu aqbasho shuruudaha fadqalalo-ku-maalka ah ee Kornaylka ka falaagoobey inay taasi noqon doonto talaabo burbur iyo amar diido cusub u horseeda Ciidanka Qaranka ee uu ka fakaday.  Suuragalna ma noqon doonto in go’aanka maanta mid ka duwan laga qaato haddii sarkaal kale mustaqbalka ka falaagoobo Ciidanka Qaranka.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin