LAASCAANOOD, DAAWO: “WAXAANU BALLANQAADAYNAA CIIDAN MEEL KU URURSAN IN AANAN IS EEGANAYN” – TALIYE FOOXLE

0
223

“Nin hub wata hadduu dhigi waayo waa lagu dilayaa” waxaa sidaasi ka sheegay madal lagu daahfurayey Shirka Nabadaynta Beelaha Koofurta Sool, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Liibaan [Fooxle] oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland.

Taliye Fooxle ayaa hadal uu u jeediyey odayaashii goobta ku urursanaa uga digey inaan Maamulka Somaliland oggolaan doonin ciidan shacabka degaanku urursado.  “Waxaanu ballanqaadaynaa meel kasta oo ciidan maleeshiya [beeleed] ah ku urursanyihiin inay ciidamada [Somaliland] tegayaan, Bileys iyo Milateriba” ayuu ku goodiyey Taliye Fooxle.

Dhanka kale, Taliye Fooxle ayaa iska fogeeyey inay wax wada hadal ah la gelayaan dadka degaanka ah ee hubaysan isagoo odayaasha farta ugu fiiqay inaanay isaga shaqadiisa ahayn.  Ödayaasha waxaanu ka codsanaynaa si nadabbuu inoogu hirgasho…nimankaa [hubka sita] in idinkuna dhiniciina aad kala hadashaan, annagu la hadli maynee waanu geleynaa uun”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKA FOOXLE:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin